Hargeysa (Dawan) Shacbiga ku nool xuduudaha Jamhuuriyadda Somaliland hab-dhaqankoodu waa mid asal ahaan ku saleysan Caddaalad, Sinnaan iyo wada noolaansho marka laga eego dhinacyada Garsoorka, waxqeybsiga iyo inaan laysku muquunin sida loo kala tiro badan yahay amase loo kala xoolo badan ama loo kala xoog weyn yahay, dhib iyo dheefba waxa ay bulshada ku gorfeyn jireen geed hoostii, taas oo ay garsoor ka ahaan jireen Guurti dhaarsan oo xul ah oo ay gar-eexo agtooda ka ahayd mid xaaraan ka ah.
Sidaa awgeed, marka laga tago qodobo caalamiya oo la soo minguuriyey, ku dhaqanka Dimoqraadiyaddu waa mid ka mida tiirarka dhaqan ee asalka iyo faca ay u leeyihiin dadka reer Somaliland, mana aha mid ay cid kale kaga dayanayaan, waxa marag u ah sida xilalka ay isugu wareejiyeen Madaxweynayaashii soo maray dalka Jamhuuriyadda Somaliland, kadib marka uu mid walba dhammaaday muddo xilliyeedkiisii ama lagaga badiyey tartankii doorashada.
Madaxweynaha hadda xilka haya oo ah kii ugu dembeeyey ee xilka hoggaanka dalka lagu wareejiyey. Kadib markuu hanashada talada dalka kaga guuleystay tartankii doorashada Xisbiga Kulmiye oo uu Musharrax u ahaa Madaxweyne Muuse Biixi labadii Xisbi ee kursiga kule tartamayey 2017kii oo kala ahaa Xisbiyada UCID IYO WADDANI.
Inkasta oo beesha Caalamku is diidsiiyaan xaqiiqada dhabta ah ee ka jirta Somaliland iyo xuquuqda aayo ka tashiga shacbiga reer Somaliland, haddana maaha taasi mid lagu niyad jebin karo, waayo waa go’an shacbigu qaateen oo ku cad Dastuurka ay sameysteen, waxana tusaale muuqda u ah sida turxaan la’aanta ee ay Sddexda Xisbi Qaran ugu heshiiyeen in dhammaadka bisha May 2021ka la qabto laba doorasho oo isbarkan oo kala ah, doorashooyinka Golayaasha Wakiillada iyo Degaannada.
Waxa kale oo xusid mudan in Xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ay dumiso darbiyo adag oo ku gudbanaa qabashada doorashooyinkaasi, gaar ahaan mida Golaha Wakiillada oo la xidhiidhay saami qeybsiga iyo ta labaad dhoo ahayd xagga dhaqaalaha, kadib markay Xukuumaddu badsatay la tashiga beelaha tabashooyinka ka qabay qaabka saami qeybsiga kuraasta Golaha Wakiillada, kuna qancisay in lagu galo hannaankii hore ee lagu saleeyey saami qeybsiga.
Isku tashigu waxa uu ka mid yahay mabaad’ida Dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, hadday tahay dhinaca abaaraha, masiibooyinka kale ee dabiiciga, cudurrada halista badan ee faafa IWM.
Iyadoo taa lagu duulayo, ayaa markay Xubnaha dalalka Beesha Caalamka ee dhinaca dhaqaalaha innaga taageeri jiray xagga arrimaha doorashooyinka ay gacmaha ka laabteen, ay Madaxweynaha iyo Xukuumaddiisu go’aan ku gaadheen inay daboolaan dhammaan kharashaadka ku baxaya Diiwaangelinta wejiga labaad ee hadda sida xarragada leh looga qabtay, loona soo gebagebeeyey si nabadgalyo ah guud ahaan dalka Jamhuuriyadda Somaliland.
Wakiilka Hay’adda Qaramada Midoobay ee Muqdisho iyo qaar kale oo ka mid ah Hay’adaha Caalamiga ahi, waxa u caado ah weligood inay kaalmooyinka dhaqaale ee loogu soo dhiibo dunida Saddexaad meel kula shubtaan hadba maamullada guuldarreysta sida Somaaliya oo kale, isla markaana ay ka shaqeeyaan siday afka dhulka ugu dari lahaayeen maamullada ku guuleysta siday horay ugu sii socon lahaayeen dhinaca horumarka oo ay tusaale u tahay Somaliland.
Maanta waxa ay Jamhuuriyadda Somaliland diyaarisay Diiwaangelin dalka oo dhan oo aan cidna ka gacan siin iyo inay u qabsoomaan doorashooyinka Golayaasha Wakiillada iyo Degaannada oo ah nidaamka, hal qof iyo cod oo dalka ka dhici doonta sida qorsheysan dabayaaqada bisha May ee sannadkan, halka Somaaliya ay Qaramada Midoobay iyo Beesha Caalamku oo ku shubayey muddo soddon sanno ah dhaqaalihii loo qorsheeyey Somaaliya iyo Somaliland, ay haddana ku guuldarreysteen iska dhaaf doorasho hal iyo hal qof ah, ay xataa sugi kari waayeen amniga Caasimadda Somaaliya ee Muqdisho.
Hab-dhaqanka siyaasadeed ee asalka ee Somaliland, maaha mid ay wax kaga doonayso hirgelintiisa Beesha Caalamka, Qaramada Midoobay iyo cid kale toona, blasé waa mid u dhaqan ah oo ay sii wadi doonaan weligood, mana ah mid ay jilayso sida qaar badan oo ka mida dalalka dunida Saddexaad, balse waa nidaam siyaasadeed oo ay u arkaan inay ku jirto danta ummadda reer Somaliland, si ay ugu gaadhaan horumar iyo badhaadhe, doorashooyinkoodana way qabsanayaan mar kasta oo waqtigeeda la soo gaadho, haddii laga kaalmeeyo iyo haddii kaleba ama halla aqoonsado ama yaan la aqoonsane.