Waftigii Somaliland ee ku Sugan Dawladda Deegaanka oo Gaadhay Deegaanka Wershadaha Dhagaxle

0
554

Jigjiga-(Dawan)-Wefdi ganacsatada reer Somaliland ah oo ku sugan dawlad deegaanka Soomalida Itoobiya ayaa kormeeray deegaanka waxsoosaarka wershedaha ee Dhagaxle.

Wefdigaasi waxa hogaaminayay guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland Jamaal Caydiid iyagoo maalmahii u dambeeyay ku sugnaa dawlad deegaan, halkaana kaga qayb galay shirka maalgashiga ee dawlad deegaanka. Ayaa kormeeray deegaanka Dhagaxle oo caanku ku ah waxsoosaarka wershadaha.

Nimcaan Daahir Maxamed oo ah mulkiilaha wershadda Biyaha iyo cunooyinka ee BLC  ayaa ganacsatada reer Somaliland warbixin ka siiyay  maalgashiga ay halkaasi ka sameeyeen.

Sidoo kale wasiirka Maalgashiga dawlad deegaanka Cabdisalaan Yuusuf ayaa ganacsatada reer Somaliland kusoo dahweeyay halkaasi isagoo sharxay fursadaha maalgashi ee halkaasi ka jira.

Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland Jamaal Caydiid ayaa ugu dambayn u mahad celiyay masuuliyiinta dawlad deegaanka ee kusoo dhaweeyay deegaanka Dhagaxle, isagoo bogaadiyay dhalinyarada kala maalgashiga ka sameeyay dawlad deegaanka.

Leave a Reply