Xisbiga KULMIYE oo Magacaabay Guddiyada Maaraynta Khilaafyada Musharraxiinta

0
667

Hargeysa  (Dawan)  Xisbul-xaakimka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ayaa magacaabay guddiyo loogu talogalay inay soo xulaan, soona diyaariyaan musharraxiinta xisbiga uga qaybgalaya tartanka doorashada Golaha Wakiillada iyo golayaasha degaannada dawladaha hoose ee dalka ee lagu wado inay qabsoonto badhtamaha sannadkan.

Wareegto uu soo saaray Gudddoomiye-ku-xigeenka 2aad ee xisbiga KULMIYE Md. Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi-dheere) maanta oo Salaasa ah, waxa uu ku magacaabay saddex guddi oo laba ka mid ahi soo kala xulayaan murrashaxiinta xisbigu u qaadanayo tartanka doorashada ee gobollada dalka iyo guddi heer qaran ah oo ka shaqaynaysa xallinta wixii khilaaf ah ee ka soo noqon kara hawsha diyaarinta murrshaxiinta.

Gobollada Togdheer, Sool iyo Sanaag, waxa loo magacaabay guddi ka kooban 14 xubnood oo uu Guddoomiye u yahay Md. Baashe Maxamed Faarax oo ah Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, halka gobollada Maroodi-jeex, Awdal iyo Saaxil loo magacaabay guddi ka kooban 15 xubnood oo uu hoggaamiye u yahay Md. Maxamuud Xasan Sacad (Saajin) oo ah Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Wershadaha iyo Dalxiiska Xukuumadda Somaliland.

Waxa kaloo Guddi ka kooban 6 xubnood loo sameeyey oo ka shaqaynaysa maaraynta khilaafyada musharraxiinta u tartamaya doorashada golayaasha Wakiillada iyo kuwa Degaannada dalka ee xisbiga KULMIYE.

Faahfaahinta guddiyadan loo xulay hawlaha musharraxiinta doorashada iyo magacyada xubnaha guddiyada oo dhammaystiran ka.

Halkan ka akhriso faahfaahinta

No photo description available.

No photo description available.

May be an image of text that says 'Xisbiga KULMIYE Xisbiga Midnimada Iyo HorumarkajSL KULMIYE Contact Adress:+ 25263 1026659 252634093555 Physical Adress:sha ab Area, Hargeisa, Somaliland 1004 KULMIYE Party Somaliland Unity and Development Party Date:26/01/2021 GUDDIDA HEER QARAN EE MAARAYNT KHILAAFAADKA MUSHARAXIINTA DALKA Anigoo Tix raacaya Go' aankii Guddida Fulinta Xisbiga KULMIYE la xidhiidhayey magacaabista Xubnaha Xalinta khilaafaadka Musharaxiinta Dalka, markaan la tashaday madaxda kale e Xisbiga waxaan magacaabay Guddida hoos ku xusan. Axmed Faarax Cadarre C/kariim Axmed Maxamed Saleebaan Yuusuf Koore jibaan Yuusuf Cismaan CumarCa Cumar C/laahi 6. Sahra Saleebaan Cawil Alla Mahad Leh สONIลค XADUNTA DHEKE Axmed Cabdi Xuseen Guddoomiye ku Xigeenka aRibiga Kulmiye'

Leave a Reply