Xildhibaan Madaxweynaha Somaliland ugu Baaqay in Gobollada Barriga la Gaadhsiiyo Adeegyada Bulshada

0
544

Hargeysa (Dawan) Xildhibaan Cabdixakiin Cumar Faarax Buddeeye, kana mida mudanayaasha golaha guurtidda Somaliland, ayaa madaxweynaha Somaliland iyo xukuumaddiisa ugu baaqay wax ka qabashada colaadaha salka ku haya aanooyinka ee ka jira degmadda Buuhoodle iyo degaanaada hoos yimaada.

Sidoo kale xildhibaanku waxaa uu madaxweynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi, ugu baaqay, in adeegyada muhiimka u ah nolosha bulshada la gaadhsiiyo degaanada gobollada barriga, kuwaas oo uu tilmaamay in ay ka arradan yihiin.

Xildhibaan Cabdixakiin wuxuu ka mid yahay xildhibaanada degaan doorashadoodu tahay, degmada Buuhoodle.

Xildhibaan Cabdixakiin Cumar isaga oo arrimahaasi ka hadlay waxaa uu yidhi.“Xukuumadda Somaliland waxaan ugu baaqaya iyo wasaaradda arrimaha gudahaba, falka soo noq noqday ee ka dhacay degaanada Buuhoodle si hufan wax hoga qabato oo hawga qayb gasho, oo dilalka sida macno darada ah dadka loogu dilayo iyaga oo aan waxba galabsan wax ha looga qabto.

Waa aanooyin qabiil oo lama joojin karro balse wixii ay wasaaraddu ka qaban karto haka qabato haddii ILLAAHEY yidhaaho.

Madaxweynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi, iyo xukuumaddiisa waxaan waxaan ku wargelinayaa in gobollada bariga Somaliland, ay arrimaha muhiimka u ah bulshada ay ka hooseeyaan, iyo sidii wax looga qabanlahaa colaadaha beelaha ee salka ku haya aanooyinka, marka madaxweynaha iyo xukuumaddiisu sitoosa hoos hawgu eegeen gobollada barriga Somaliland, gaar ahaana degmadda Buuhoodle”

Halkan ka Daawo

Leave a Reply