Guddoomiyaha Qandaraasyada Qaranka oo  Kormeeray Mashaariic Xukuumaddu ka waddo Gobolka Maroodi-jeex 

0
457

Hargeysa (Dawan) Guddoomiyaha guddida Qandaraasyada Qaranka Somaliland, mudane Nuux Maxamed Xuseen, oo ay weheliyaan xubno ka tirsan xafiiska gudida qandaraasyada qaranka ayaa kormeer ku sameeyay, mashaariic dhawr ah oo  xukuumaddu  ka waddo gobolka Maroodijeex.

Mashaariicda uu kormeeray ayaa   ah kuwa tartankooda hore ay u bixiyeen guddida qandaraasyada Qaranka Somaliland.

Guddoomiyaha qandaraasyda Qaranka iyo xubnaha kormeerka ku wehelinayay waxay mid mid u kormeereen mashaariicda ay u kuur galayeen sida ay  u socdaan ma u fuleen ee  xukuumaddu ka waddo gobolka Maroodijeex kuwaas oo isugu jira kuwo loo dhisayo wasaarado iyo hay’addaha dawladda.

Dhammaan mashaariicda ay  kormeeka kusoo mareen guddoomiyaha gudida qandaraasyada qaranka iyo xubnaha wehelinayay,ayaa ahaa mashaariic laga fuliyay miisaaniyadda qaranka.

Waxaanay warbixino ka dhegaysteen masuuliyiinta mashaariicda kala duwan loo dhisayay.

Maareeyaha madbacada Qaranka Somaliland, mudane Maxamuud Raage Ibraahim, ayaa ka hadlay mashaariicda dhismahoodu dhammaadka yahay ee looga maalgeliyay cashuurta muwaadinka. “Guddoomiye waxaa aanu warbixintan kugu siinaynaa, in dhismihii aad Qandaraaskiisa noo baahiseen in lagu guuleystay oo uu hadda dhammaad yahay, islamarkaana dhammaanba la soo wada iibiyay qalabkii.”

Guddoomiyaha hay’adda dhawrista tayada Somaliland, mudane Muuse Xasan Xaaji Yuusuf, oo isna xaruntiisa kula hadlay guddoomiyaha guddida Qandaraasyada ayaa yidhi. “Xaruntan madaxweynaha Somaliland ayaa xadhiga ka jaray bishii koobaad ee sannadkan, waxaana laga hirgeliyay cashuurta muwaadiniinta, waxaanu guddida qandaraasyada ku amaanayna in aanay ahayn guddi qandaraaska iska bixisa oo halkaasi kaga hadha, balse in shaygii Qandaraaska Qaranku bixiyay sidiisi in loo fuliyay in aad hubbinaysaan waanu idinku ammaanaynaa”

Guddoomiyaha  gudida qandaraasyada qaranka ayaa  dhankiisa ka hadlay kormeerkooda shaqo isla markaana farriin u diray dhammaan shirkadaha ku guulaystay qandaraasyda kala duwan ee ay gacanta ku hayaan.

Waxaanu yidhi.“Saaka waxaa aanu soo kormeernay mashaariicdii xukuumaddu ka hirgelisay, magaalada Hargeysa, cisbitaalka bariga Hargeysa laga dhisayo, cisbitaalka laga dhisayo waqooyiga Hargeysa, dhisme cusub oo loo dhisayo madbacadda Qaranka Somaliland, dhisme cusub oo loo bineeyay wasaaradda horumarinta beeraha Somaliland, dhisme cusub oo u dhammaaday hay’adda dhawrista tayada Qaranka, iyo qalab cusub oo loo soo iibiyay madbacada Qaranka, dhammaana mashaariicdaasi waxaa laga maalgeliyay miisaaniyada dawladda, waana cashuurtii umadda laga qaaday oo dib loogu soo celiyay”

Leave a Reply