Spiegel :Somaliland Waa Mucjisada Geeska Afrika”

0
560

War-sidaha Spiegel oo isbarbardhig ku Sameeyey Somaliland iyo Soomaaliya

Qore: Saciid Cagjar

Hargeysa-(Dawan)-Warsidaha laga leeyahay dalka Jarmalka ee Spiegel ayaa warbixin uu Ciwaan uga dhigay “Mucjisada geeska Afrika” ka qoray Somaliland iyo Soomaaliya .

Warsidaha ayaa sheegay in Somaliland ay gaadhay waxa uu sannado badan waayey waddanka deriska la ah ee Soomaaliya sida nabad, xasillooni, joojinta ammaanka la dagaalanka argagixisada, iyadoo haba yaraatee wax caawimaad caalami ah aanay helin.

Wargeyska Spiegel,ayaa warbixinta uu ka qoray Somaliland waxaa uu ku iftiimiyay waxyaabaha ay qaran ahaan qabsatay Somaliland iyo siday isugu tashatay iyadoo aan wax gacan ah ka helin beesha caalamka isla markaana ay u noqotay mucjiso ka soo dhex baxday geeska Afrika iyo dalal holcaya.
Waxaa kale oo uu Warsiduhu ka hadlay sida ay beesha caalamku Soomaaliya isu garab taagtay ee ay xilli kasta ugu bixiyaan ballaayiin iyo ballaayiin Dollar iyo sida aanay wali nololi uga jirin dawladnimona aan looga hadal hayn.
Wargeysa Spiegel,ayaa Warbixintiisa ku biaabay sidan. “Magaalada Hargeysa, dhisme ayaa ka socda meel kasta, degmooyin villa ah ayaa laga dhisayaa duleedka, hoteello, dabaqyada xafiisyada iyo dhismayaasha bangiyada ee ku yaal badhtamaha. Kharashaadka miisaaniyadu waa kuwo cad oo hufan waxaana jira doorashooyin dimuqraadi ah oo joogto ah. Illaa iyo hadda, xukunka waxa loola kala wareega si habsami leh xitaa haddii mucaaradka ay xukunka la wareegeen.

Adduunyada indhaheeda, jamhuuriyadda yar oo ay ku noolyihiin ku dhowaad 3.5 milyan oo qof Soomaaliya waa dal ku fashilmay Geeska Afrika , halkaas oo budhcad badeedda iyo maleeshiyaadka argagixisada ah ay kula dagaallamayaan awood siyaasadeed siyaasiyiin musuqmaasuq iyo budhcad hubeysan.
Somaliland waxa ay gaadhay wixii ay jaarkeedu waayeen sannado badan sida nabad , xasillooni iyo la dagaalanka argagixisada iyada oo aan haba yaratee wax caawimaad ah ka helin caalamka , Soomaaliyana caggo adag kuma taagna iyada oo hesha gargaarka caalamiya oo qiimihiisu yahay ballaayiin Dollar.

Soomaaliya iyo Somaliland waxay xornimada qaateen 1960kii. Soomaaliya oo ka timid Talyaaniga iyo Somaliland oo ka timi Ingiriiska. Qorshahoodii waxa uu ahaa inay samaystaan ​​urur midnimo kadib xornimadii waxay noqotay khalad dhimasho ah. Dagaal ayaa qarxay, 1991-kii Somaliland waxay si rasmi ah ugu dhawaaqday midowgii in uu fashilmay, dib ayey uga laabatay sidaas ayeyna mar kale madaxbanaani ku noqotay Laakiin jamhuuriyaddan ma aha mid caalamka laga aqoonsan yahay.
Somaliland dawladnimadeedu tan iyo bilowgeedii waxay ku khasbanaatay inay dejiso nidaam cashuureed oo ay isku maalgeliso. Muwaadiniinta canshuurta bixiya waxa ka muuqata isku kalsooni badan oo dhanka dowladda ah, taas oo xoojineysa dimuqraadiyada isla markaana yareyneysa musuqmaasuqa. Si ka duwanna waddamada soo koraya qaarkood,”

Leave a Reply