Cajisku Waxa U Lumiya Fursadda!

0
458

Nin ugaadhsade ah iyo qoyskiisa oo ku qadaynaya hilibkii ugaadha sida dhibta badan ay ku heleen,  ayay si lama filaan ah debin uu goob aan kaba fogayn guriga ku xidhay gashay sakaaro.

 

Xaaskiisa ayaa markiiba aragtay waxaana ay u sheegtay in Sakaaro gashay debinka oo uu kaco oo ka soo saaro. Laakiin waxa uu ugu jawaabay :” Iska dhaaf , hadhow ayaan ka saari doona oo caawana waa aynu  ku cashayn”.

Laakiin muddo yar ka dib iyagoo weli sheekadii aan dhamayn oo ay ku dhiirigelinayso inuu ka soo saaro ayay sakaaradii ka baxday debinkii oo baxsatay.

Xaaska ayaa haddana uu sheegtay oo tidhi: “ Ee sakaaradii way baxsatay, kana baxday debinka”.

Isaguna waxa uu ugu jawaabay :” Ha iska baxsato marka horeba baahi umaanan qabine, iyadaa soo doontee”.

Wixii si dhib yar kugu soo gala , waxa laga yaba inay kaga baxan si dhib yar. Dhaqanka Dadku wixii aan hawli ka gelin iskuma dhibaan. Caajisnimada ayaa Walaalo la ah Baahida iyo saboolnimada.

Leave a Reply