Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland oo Shacabka Somaliland Ka Tacsiyadeeyey Geeridii Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir

0
346

Hargeysa (Dawan):-Guddoomiyaha Golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland Md Saleebaan Maxamuud Aadam oo ku hadlaayey Xildhibaanadda Golaha Guurtida Somaliland ayaa ka tacsiyadeeyey  qoyskii,qaraabadii iyo asxaabtii geerida ku timid Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir oo caawa ku geeryooday magaaladda Hargeysa.

Guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa ku tilmaamay Marxuum Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir Udub ka baxay Qaranka Somaliland, isaga oo sheegay in uu kaalin weyn kasoo qaatay halgankii dalka loo soo galay, Nabadayntii iyo dhismihii dawladnimo ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan waxa uu Marxuum Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir Ilaahay Uga Baryey in uu Janooyinkiisa ka waraabiyo, qoyskii iyo Qaranka Somalilandbana Samir iyo Iiman ka siiyo.

Leave a Reply