Murashaxiinta Cadami iyo Siciid Jaamac oo loogu foolladeeey Madal kulmisay Hogaanka Kulmiye iyo Labeenta Somaliland

0
792

Hargeysa(Dawan)-Xubno kamida Hogaanka sare ee Xisbiga Kulmiye, Siyaasiyiin miisaan leh, Xubno ka tirsan labeenta Somaliland iyo kumanaan Taageerayaal ah ayaa ka qaybgalay munaasibad shaacin iyo Dhoola-tus isugu jirtay oo Khamiista maanta lagu qabtay Magaalada Hargeysa, taasoo loogu foolladeeyey Murrashaxa Golaha Wakiillada Gobolka Maroodi-jeex Cabdiraxmaan Ismaaciil Cadami iyo Murrashax Siciid Jaamac Cali oo u tartamaya Golaha Deegaanka Degmada Hargeysa.

Murrashaxiintan oo ka sharaxan Xisbiga Kulmiye, ayaa madasha loogu xafladdeeyey waxa ay kulmisay wajiyo siyaasaddeed oo kala duwan iyo haldoorka Hargeysa intiisa ugu badan, iyadoo miisaanka taageerayaasha iyo dadka labeenta ah ee  ka qaybgalay munaasibadaasi, laga dheehanayey tayada labada murrashax.
Qaar kamida Siyaasiyiinta halkaasi ka hadlay ayaa ku qiimeeyey munaasibad meeqaamkeedu uu yahay mustawe qaran oo ka heer saraysa mid bulsho deegaan iyo qabiilba “Waa Xaflad ina tusaysa in aynu ka soo baxayno qabyaaladii xumayd oo aynu u guurayno Qaranimo. waa Xaflad caddeynaysa in ay dadka reer Hargeysa nool yihiin”ayuu yidhi Cali Maxamed Waran-cadde La-taliyaha gaarka ah ee Madaxweynaha oo kamid ahaa Siyaasiyiinta madashaasi ka hadlay.
Waa Xaflad muujinaysa in ay reer Hargeysa dadkooda miisaanka leh soo sharaxaan oo ay meel walba uga yimaadaan, iyagoo aan qoys qoys iyo deegaan deegaan u eegayn. Waxa ay xafladani muujinaysaa in ay Hargeysa Somaliland u soo xushay Rag qiimo leh oo meteli kara oo ay beri ku faani karto marka ay fagaareyaasha yimaadaan”ayuu raaciyey isagoo qiimeynaya labada murrashax ee munaasibada loo qabtay.
Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Maxamuud Xasan Sacad (Saajin) oo sidoo kale ah Guddoomiye ku-xigeenka afaraad ee Xisbiga Kulmiye, Siyaasi Cabdicasiis Maxamed Samaale, Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf, Siyaasi Cabdilaahi Jawaan, Abwaan/Murrashax Xasan Saleeban Dhuxul iyo xubno ku hadlayey Haldoorka deegaanka ay ka soo jeedaan labada Murrashax oo halkaasi ka hadlay, ayaa tilmaamay in Cabdiraxmaan Cadami iyo Siciid Jaamac yihiin murrashaxiin u shiraban Qaranka, kartidooda iyo aqoontooduna ka turjumayso sida loo soo shamiray Xaflada.
“Cabdiraxmaan Cadami wuxuu kamid yahay Aqoonyahanka iyo Siyaasiyiinta faro-ku tiriska ah ee wax laga waydiiyo Siyaasadda Geeska Afrika, sidaasi darteed wuu u qalmaa halka uu maanta higsanayo”ayuu yidhi Cabdicasiis Maxamed Samaale oo labada Murrashax ku sifeeyey dad wax ka bedeli kara goleyaasha Qaranka ee ay u tartamayaan.
Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyada Cabdiwali Sheikh Suufi Cabdilaahi, Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Cabdilaahi Abokor Cismaan, Dr. Adna Aadan Ismaaciil iyo Maxamed Aadan Cilmi oo kamida Kaadiriinta Xisbiga Kulmiye oo iyaguna xaflada ka hadlay, ayaa tilmaamay inay labadan Murrashax miidaanka tartanka kaga guulaysanayaan waxtarka ay hore dalkooda u gashadeen iyo mucaarifada balaadhan ee ay leeyihiin.
“Siyaasadda Madaxweyne Muuse Biixi waxa weeye in ay Dhalinyaradu qayb ka noqoto Siyaasadda iyo maamulka si ay beri ula wareegaan”ayuu yidhi Wasiir Cabdiwali oo si gaar ah u jantay mudnaanta ay dhalinyarada iyo aqoonyahanku u leeyihiin ka qaybgalka tartanka loogu jiro goleyaasha xeer-dejinta iyo horumarinta bulshada.
Waxa ay sheegeen inay labadan xubnood ka soo bixi karaan masuuliyadaha ay leeyihiin labada Kursi ee Wakiillada iyo deegaanka ee ay u kala sharaxan yihiin, iyagoo ugu duceeyey in uu alle ku guuleeyo.
Cabdiraxmaan Ismaaciil Xuseen (Cadami) Murrashaxa Golaha Wakiilladda ee Gobolka Maroodi-jeex iyo Siciid Jaamac Cali Murrashaxa Golaha Deegaanka Degmada Hargeysa oo iyaguna Munaasibada ka hadlay, ayaa ka waramay barmaamujyadooda wax-qabad ee qorshaha ugu jira haddii ay ku guulaystaan Doorashada, waxaanay u mahad-celiyeen cid kasta oo taageero cod iyo cuddudba u muujisay.
“waxaan hormuud u noqon doonaa oo aan aqoontayda iyo kartiddayda gelin doonaa  haddaan guulaysto sidii aynu ula jaan-qaadi lahayn marxalada cusub ee la gelayo, guushaydana idiinka ka jawaabay maanta”ayuu yidhi Aqoonyahan Cabdiraxmaan Cadami Murrashaxa Golaha Wakiillada.
Siciid Jaamac Cali ayaa isaguna sheegay in uu wax ka qaban doono haddii uu guulaysto horumarinta Kaabeyaasha Dhaqaalaha, adeegyada Bulshada iy nabad-gelyada Caasimada Hargeysa “waxaan si gaar ah u tix-gelin doonaa bulshada danyarta ah oo aan gaadhsiin doono adeegyada ay u baahan yihiin, sida waxbarashada, Caafimaadka iyo Biyaha.  waxaan balanqaadayaa inay albaabadaydu mar walba u furnaan doonaan bulshada reer Hargeysa”ayuu yidhi isagoo intaasi ku daray “waxaan u dhisi doonaa waddooyin cusub Hargeysa, kuwii horena waan dayac-tiri doonaa”.
Khudbado Muuqaal ah:

Murrashax Cabdiraxmaan Ismaaciil Cadami, ayaa xilal kala duwan ka soo qabtay Dalka, waxaanu muddo dheer ahaa guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda xilligii Xukuumaddii Udub, isagoo sidoo kale kamid ahaa maayirradii ugu horeeyey ee Magaalada Hargeysa xilligii dalka lagu soo noqday,waana Barre wax ka dhiga Jaamacaddaha dalka iyo Khabiir falanqeeya siyaasadda Geeska Afrika iyo Carabta.
Siciid Jaamac  Cali, ayaa isaguna ah Aqoonyahan wakhti dheer ka shaqaynayey Xafiisyada Dawladda, sidoo kale la soo shaqeeyey Ururrada horumarinta Bulshada , isagoo sanadihii u dambeeyeyna xil maamul ka hayey Hay’adda horumarinta Waddooyinka Somaliland.
Sawirro dheeraad ah:

Leave a Reply