Xarun Caafimaad oo laga Hirgeliyey Deegaanka Duudweyne ee gobolka Awdal

0
404
News

Borame(Dawan):-Guddoomiyaha gobolka Awdal oo ay weheliyaan masuuliyiinta wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland ee gobolka Awdal ayaa xadhiga ka jaray xarun caafimaad oo laga dhisay Degaanka Duudweyne ee degmada Dilla ee gobolka Awdal.

Madasha xadhig ka jarka xaruntan caafimaad ayaa waxa iyaguna goob joog ka ahaa maamulka degmada Dilla, masuuliyiinta dallada horumarinta Barriga Awdal ,cuqaal iyo bulshadda qaybaheeda kala duwan ee ku nool degaanka Duudweyne, waxaana ugu horeyn goobtaas ka hadlay  Ismaaciil Cilmi Axmed iyo Aadan Cabdilaahi Sheekh Muuse oo ka tirsan Dallada Horumarinta Barriga gobolka Awdal,waxaanay ka warbixiyeen Dallada Horumarinta Barriga Awdal oo ay  sheegeen in ay ka kooban yihiin xubnaheedu dhalinyaro qurba joog ah oo isu xilqaamay sidii ay dalkooda wax ugu qaban lahaayeen.

Waxa ay masuuliyiintan ka tirsan Dallada Horumarinta Barriga gobolka Awdal usoo jeediyeen dadka degaankaasi in ay ilaashadaan wax qabadyadda loo qabto, madaama oo ay iyagu lee yihiin shacab ahaan.

Waxa iyaguna halkaas ka hadlay qaybo kamid ah dadweynaha degaankaas oo ku bogaadiyey Dallada Horumarinta Barriga Gobolka Awdal wax qabadka ay ka hirgeliyeen degaankaasi iyo degaanadda kale ee Barriga gobolka Awdal,iyaga oo duco iyo dardaaran halkaas uga soo jeediyey dhalinyaradaas ku bahoobay Dalladaas.

Guddoomiyaha Degmada Dilla Aadan Cismaan Sadci, taliyaha Ciidamada Booliska ee qaybta gobolka Awdal Gashaanle Sare Cabdiraxmaan Nuur Colhaye iyo madaxa xarumaha caafimaadka aas aasiga ah ee gobolka Awdal Dr Farxaan Cabdisamad Cismaan oo goobtaas iyaguna ka hadlay ayaa u mahadceliyey Dallada Horumarinta Barriga gobolka Awdal, waxaanay tilmaameen in la joogtayn doono adeeggii  caafimaad ee aas aasiga ahaa ee degmada,gaar ahaana joogtaynta dawooyinka iyo adeegga laga bixin doono xaruntaas caafimaad.

Ugu dambayna Guddoomiyaha gobolka Awdal Maxamed Axmed Caalin (Timbaro) oo goobtaas ka hadlay ayaa ku booriyey dadka degaanka Duudweyne in ay ilaashadaan xaruntan caafimaad ee laga hirgeliyey degaankaasi, isla markaana ku bogaadiyey waxqabadkan Dallada horumarinta Barriga Awdal.

Dhinaca kalena Guddoomiyaha gobolka Awdal Maxamed Axmed Caalin (Timbaro) oo ay weheliyaan masuuliyiinta Dallada horumarinta Barriga goboblka Awdal ayaa kormeer indho indhayn ah ku tegay xarunta hooyada iyo dhallaanka ee degmada Dilla oo ay Dallada Horumarinta  Barriga Gobolka Awdal dib u habayn iyo qalabayn ku samaysay, isaga oo usoo jeediyey ururadda kale ee gobolka Awdal ka dhisan in ay ku daydaan Dallada Horumarinta Barriga gobolka Awdal.

Leave a Reply