Dawalada Hoose ee Hargeysa ayaa  Ballan Qaadayn inay ka Qayb Qaadan Doonto Dhismaha Biriish iyo wado ku Yaal Xaafadda Sheeh Nuur

0
457

Hargeysa (Dawan) – Maayarka caasimada Hargeysa ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin bixinta boqolkiiba lixdan dhaqaalaha ku baxaysa dib u dhis loogu samayn doono waddo iyo biriish, ku yaal xaafadda Sheekh Nuur ee degmada Gacan-Libaax

Munaasibada shaacinta hawsha dib u dhiska wadaasaas ayaa waxa hadal ka jeediyay gudoomiyaha guddida horumarinta xaafadda Sheekh Nuur Sheekh Maxamed Muuse Habane iyo xubno kale oo ka mida wax-garadka xaafaddaas waxaanay sheegeen in wadadaasi ay kaalin wayn kaga jirto xaafaddaas, iyadoo wadadaasna ay adeegsadaan gaadiid kala duwan, hawsha uruurinta dhaqaalaha ku baxaayana ay bilaabeen,  waxaanay bulshada ku nool xaafaddaas u soo jeediyeen inay kaalintooda ka qaataan dhismaha wadadaas iyo biriishkaasba.

Gudoomiyaha degmada Gacan-Libaax Maxamed Subeer Salaan ayaa sheegay in biriishka iyo wadadaasi ay yihiin kuwo muhiimad u leh gaadiidka adeegsada, maadaama oo xaafadda Sheekh Nuur sii balaadhanayso, waxaanuu gudoomiyuhu intaas ku daray ay jiraan arrimo kala duwan oo xaafaddaas u qabsoomay, tana loo baahan yahay in lagu fuliyo iskaashi ay yeeshaan dawlada hoose iyo bulshada ku nool xaafaddaas.

Ugu dambayn maayarka caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelco, ayaa sheegay in dawlada hoose ee caasimadu dhaqaalaha ku baxaaya wadadaas iyo biriishkaba ay bixin doonaan boqolkiiba lixdan, halka dadka xaafaddaas ku noolina ay ku dari doonan boqolkiiba afartanka hadhay, sidaasna lagu hirgalin doono biriishka iyo wadadaasba.

Leave a Reply