Erayo Xikmad Badan oo ku Saabsan Hinaasaha ama Masayrka

0
2046

Waa qormo aynu ilo kala duwan oo afka Carabiga ku qoran aynu ka soo ururiney oo iftiiminaya ereyo xikmad badan xambaarsan oo laga yidhi hinaasaha ama maseyrka.

โ€“ Hinaasuhu mar walba astaan uma aha Jacayl.

โ€“ Marka ay gabadhu hinaasto way oydaa, marka uu ninku hinaasana wuu aamusaa.

โ€“ Marka ay gabadhu hinaasto waxa ay karaahiyaysataa ninka, marka uu ninku hinaasana waxa uu karaahiyaystaa Naftiisa.

โ€“ maseyrku gabadha ninka waa uu nacsiiyaa, laakiin ninka jacaylkeeda ayuun buu ku sii kordhiyaa.

โ€“ Mararka qaar waxa uu ninku ka hinaasaa gabadha jecel xitaa haddii aanu isagu jeclayn, Gabadhuna sidoo kale.

โ€“ Hinaase qof hela waxa ugu fiican ka uu sababo Jacaylku, waxaana ugu xun midka ay Xaasidnimadu sababto.

โ€“ Hinaasaha gabadha waxa lagu gartaa kulayl iyo cadho, ninkana waxa lagu gartaa aamus iyo qabaw.

โ€“ Marka ay gabadhu aragto nin ay jeceshay oo u hinaasaya way faraxdaa, marka ay aragto nin aanay jeclayn oo u hinaasayana waa ay diiqadootaa, xitaa haddii uu isagu jecel yahay.

โ€“ Ninka waxa lagula talinayaa in jacaylka uu gabadha u qabo aanu ku muujin hinaase haddii aanu hubin in ay la wadaagto jacaylkaas, waayo waxa dhici karta in iimahaaga ay fahamto oo ay kuu adeegsato.

โ€“ Jacaylka badani waxa uu dhalaa hinaasaha, hinaasaha badanina waxa uu dilaa jacaylka.

โ€“ Hinaasaha intiisa badan waxa keena shaki.

โ€“ Haddii aad is aragto adiga oo aad ugu hinaasay qof, aad isu hubso waayo waxa ay u dhowday in aad jeceshay qofkaas oo aanad is ogayn.

โ€“ Haddii aad rabto in aad xaaskaaga muddo dheer wada joogtaan, iska ilaali hinaasaha badan.

 

Kamaal Marjaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here