Kaadida Xanuunka Badan ama Gubta Qofka (Dysuria)

0
1455

Kaadida xanuunka badan ama gubta bukaanka siiba marka uu qofku kaajayo, waa calaamad lagu garto infekshin ku dhaca habka kaadi mareenka qofka.

Dumarka ayaa ah kuwa ugu badan ee ay xaaladan ay la soo daristo marka la bar bar dhigo ragga, balse taas micnaheedu maahan inay raggu dareemin xaaladan, ragga da’doodu wayn tahay ayaa badanaa ka cabta xaaladan.

Maxaa sababa kaadi xanuunka?

Sidaan horay usoo sheegnayba kaadi xanuunku waa calaamad uu qofku dareemo marka uu kaadinayo, waxaana sababa infekshin ama caabuq ku dhaca kaadi mareenka qofka.

Infekshanka kaadi mareenka qofku waa xanuun dad badan ku dhaca, infekshanku wuxuu ka bilaaban karaa dhamaan qaybaha uu ka kooban yahay habka kaadi mareenka qofku sida, kilyaha, tuubooyinka kaadida kasoo qaada kalyaha oo keena kaadi haysta, kaadi haysta iyo tuubada kaadida kasoo qaada kaadi mareenka ee keenta banaanka.

Jeermiska keena ama dhaliya infekshanka sababa kaadi xanuunka ayaa wuxuu jirka kasoo galaa tuubada kaadida kasoo qaada kaadi haysta ilaa banaanka. Jeermisku markuu jirka soo dhex galo wuxuu bilaabayaa inuu si tartiib ah ugu fido kaadi haysta iyo tuubada kaadida ka qaada kaadi haysta, kadibna wuxuu usii gudbaa kalyaha iyo tuubooyinka kaadida kasoo qaada kalyaha. Waana markaas marka qofku dareemo calaamadaha kaadi xanuunku kamid yahay.

Marka laga soo tago infekshanka waxaa kaloo jira waxyaalo kale oo sababi kara kaadi xanuunka ama kaadi gubashada. Waxaana kamid ah, dhaawac soo gaara hab-dhiska kaadi mareenka qofka, tuubada kaadida usoo saarta banaanka oo xirmata taasoo sababi karta xanuun aad u daran maadaama qofku uusan kaadin karin, qanjirka ragga oo waynaada ayaa asna sababi kara in kaadi mareenku xirmo ama yaraado taasoo ayana keeni karta xanuun siyaadaa, kaakaro kasoo baxda kaadi haysta ama meel kamid ah hab-dhiska kaadi mareenka ayaa ayana xanuun keeni karta, dhaawac soo gaara neerfayaasha ku teedsan kaadi mareenka ayaa ayana keeni kara in murqaha kuyaal afka kaadi haystu isku soo ururi waayaan isla markaasna kaadi haystu ma awoodayso inay u saarto kaadi badan taasoo xanuun iyo xanfaf u keeni karta bukaanka.

Astaamaha lagu garto infekshanka kaadi mareenka

Calaamadaha lagu garto caabuqa ama infekshanka kaadi mareenka waxaa kamid;

Qandho

Kaadida oo gubta ama xanuujisa bukaanka

Kaadida oo ay adag tahay in uu qofku ceshado waqti badan

Dheega ama dhinacyada ama wareega oo qofka xanuuna, siiba kalyaha agtooda

Kaadida oo yeelata ur qarmuun

Kaadida oo qofka qabanaysa in kabadan intii hore

Yaa u sahlan iney ka cawdaan xanuunkaan?

Dumarka ayaa ah kuwa ugu badan ee ay haleesho kaadi xanuunku

Dadka qaba cudurka sonkorta ayaa ayaguna khatar badan ugu jira

Dadka waawayn ama gaboobay

Ragga uu waynaado qanjirka ragga

Dumarka uurka leh

Dadka dhagxaantu uga jiraa kalyaha

Bukaanada mar walba la galiyo tuubada ama caaga kaadida soo qaada marka qofku isbitaalka jiifo ama uusan si caadi ah u kaaji karin

Sidee baa looga hortaa kaadi xanuunka?

In lagu dadaalo nadaafada ayaa ah tillaabada ugu horeysa ee looga hortagi karo xanuunkaan, sidoo kale waxaa wanaagsan dumarka iney horay suuliga ka aadaan galmada kedib iyo in aysan la seexan habeenki kaadi hays buuxda.

Waxaa sidoo kale ah arin wanaagsan inaan waqti badan kaadida la isku celinin.

 

Kaadi xannuun ka dhashay infekshan waxaa lagu daweeyaa qalajiyaal ayadoo laga fakaraayo waxa sababay

Daryeel Magazine

Leave a Reply