Gudoomiyaha Gobolka Maroodijeex oo Digniin Adag Dul Dhigay Dad Boob ku Haya Buuraha Naasa Hablood

0
651

Hargeysa (Dawan) Buuraha Naasa Hablood ee astaanta u ah magaalada Hargeysa, ayaa kuwa ay dawladdu maamusho.

Waxaa hadda sifo sharciga baalmarsan u seestay isla markaana  dhulkii danta guud ahaa u qaybsaday dad shacab ah, sida ay warbaahinta u sheegeen masuuliyiin maanta goobtaasi booqday.

Guddoomiyaha gobolka Maroodijeex mudane Jaamac Xaaji Axmed Cabdi, ayaa kormeer ku tagay Buuraha Naaso Hablood iyo dhulka ku hareeraysan.

Guddoomiye Jaamac waxaa uu ganacsatada iyo bulshada qaybaheeda kala duwan uga digay in aanay iibsanin dhulka danta guud ee Qaranku leeyahay iyo waddooyinka.

Taliyaha agaa barriga caasimada Hargeysa, Muuse Xasan oo goobtaasi hadal ka jeediyay bulshaweynta caasimada Hargeysa uga digay inay dhulka danta guuda sifo sharciga baalmarsan uga iibsadaan “Hadalka sii badin maayo ee waxaan uga digaya dadweynaha lacagtooda siisanaya dhul aan sharci ahayn oo dan guud ah in ay ka waantoobaan, dhulka qofku qabsanayo haddii aan laga iibsanayn ciddina may qabsateen dhulka, oo danta guud ciddina may boobteen.

Marka waxaa aanu uga digayna dadweynaha iibsiga dhulka danta guud, isla markaana ciddii dhul iibsanaysa ay iibsato dhul xalaala oo sharciya, kana waantoobaan dhulkan danta guuda ee ay ku dhiirigaliyaan dadka boobaya in ay ka iibsadaan”

Guddoomiyaha gobolka Maroodijeex, mudane Jaamac Xaaji Axmed Cabdi ayaa sheegay cidkasta oo dhulka danta guud ah sifo sharciga baalmarsan u iibsata in dawladda Somaliland tallaabo sharciga waafaqsan ka qaadi doonto “Toddoba boqol oo mitir oo dhinac walba ah ayaa loo asteeyay Buurahan Naasa Hablood, cid u soo dhawaan karta iyo cid kala iibsan karta iyo cid degi karta midna ma jiro, ciddii dhulkan Buurta Naasa Hablood degtana waxaa laga qaadi doona tallaabo sharciga waafaqsan.

Annaga oo fulinayna amarkii madaxweynaha Somaliland, mudane Muuse Biixi Cabdi, waxaanu illaalinayna dhammaan danta guud ee Qaranku leeyahay, ee kala duwan, waxaa aanu ilaalinayna waddooyinka, oo aan wax dhisme ah lagu kordhin dhismayaasha waddooyinka ku soo jeeda.

Ganacsatadana waxaa ka codsanayna in aanay iibsanin dhulka Danta Guud, ee sida waddooyinka iyo dhulka Qaranku leeyahay”

 

Leave a Reply