Gudoomiyaha Xisbiga UCID oo  Baaqay  in Talada Dalka laga Qayb galiyo Dhalinyarada

0
419

Hargeysa (Dawan) Guddoomiyaha xisbiga UCID, Faysal Cali Waraabe ayaa ka hadlay mawqifka ka xisbi ahaan ay ka taagan yihiin in dhallinyarada waxbaratay hoggaanka dalka loo dhiibo.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in uu taageersan yahay in dhallinyarada dalka fursad la siiyo, isla markaana ay ka mid noqdaan hoggaanka waddanka, isuna soo taagaan doorashooyinka loogu tartamayo golayaasha dalka.

Waxaa kale oo uu tilmaamay in dhallinyaradu yihiin hawlkar isla markaana ay dalka u keeni karaan horumar iyo aqoonsi buuxa.

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi. “Qabiil maanta ma jiro, waxaa loo coddaynaya waarya dalkan maanta keeni kara horumar, yaa ummadan midayn kara, yaa caddaalad keeni kara, bulshada reer Somaliland waxaan leeyahay waxaad diirada saartaan saddexda xisbi waxa ay badka keenaan.

Cidda codka bixisa boqolkiiba shan iyo toddobaatan waa dhallinyaro odayaasha halkan or ordaya hadda ayaa ugu danbaysa, mid kali ahi codka ma bixiyaan.

Marka waxaan leeyahay dhallinyarada waxbaratay fursada hala siiyo, haweenka, markaasi ayaa dalkeenu hore u socon doonaa”

Leave a Reply