Wakiilka Somaliland ee Kenya oo rejo wanaagsan ka muujiyey dhaqan-galka Heshiisyadii dhex maray laba dawladdood

0
508
“waxaanu xidhiidh la samaynay shirkaddaha iyo Hay’addaha Ganacsi ee dawladdaha aynu xidhiidhka leenahay ee reer galbeedka…”Ambasadoor Baashe Cawil
Qore. Saleeban Kalshaale
Hargeysa(Dawan)-Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya dalka Kenya Baashe Cawil Cumar, ayaa sheegay inay dhawaan hirgeli doonaan qaybo kamida fool-horraadka qodobadii ay ku heshiiyeen Dawladdaha Kenya iyo Somaliland dabayaaqadii sanadkii 2020 oo ay kamid ahaayeen furista isku-socodka bulshooyinka, ganacsiga iyo socdaalka hawada.
Ambasadoor Baashe Cawil oo Salaasadii todobaadka Magaalada Hargeysa ugu waramay Wakaallada Wararka Somaliland ee SOLNA, waxa kale oo uu faahfaahin ka  bixiyey adeegyada uu bulshada Somaliland u fidiyo Xafiiskiisu iyo qaabka ay uga shaqeeyaan howlgallada siyaasaddeed ee ay qadiyada dalka ku horumariyaan, waxaanu sheegay in shaqada ugu badan ee ay qabtaan tahay hagaajinta xidhiidhka Somaliland iyo Kenya iyo la shaqaynta saaxiibada caalamka ee fadhigoodu yahay Nairobi.
Waxaanu yidhi “Waxaanu u adeegnaa bulshada Somaliland ee dalka kenya degen oo aanu ka caawino xagga waxbarashada iyo hadday jiraan dad ku xanibma dalkaas oo aanu gacan u fidino. waxa kale oo aanu fiiseyaasha Dal ku galka halkaa uga soo saarnaa dadkeena doonaya in ay howlo caafimaad iyo dano kaleba u yimaadaan oo aanu ka caawino arrimahaas.
Dhinaca Siyaasadda, dalka kenya waxa uu hoy u yahay Safaaraddo badan oo ay leeyihiin dawladdaha aynu xidhiidhka leenahay, markaa safaaraddahaasi dawladda ayaanu kala shaqaynaa waxyaabaha Somaliland ay ka caawiyaan fududdeyntooda, annagoo daba-galna waxyaabaha inagaga xidhan”
Danjire Cawil, waxa uu rejjo wanaagsan ka muujiyey dhaqan-galka heshiisyadii ay bishii December ee sanadkii 2020 wada gaadheen Somaliland iyo Kenya, isla markaana ay madaxweyneyaasha labada dal kala saxeexdeen.
Waxa uu tilmaamay in qodobada heshiiskaasi fulintoodu ay ku taariikhaysnayd dhamaadka bisha March, dedaallo iyo qorsheyaal loogu gogol-xaadhayaana u socdaan labada dalka, iyadoo ay tahay inay Hay’addaha dawladdaha u qaabilsan fulimaha farsamo heshiisyo wada gaadhaan.
“Howshaasi way socotaa, kulamo iminka dhacayna way jiraan, kuwo soo socdaana way jiraan, waxaanan rajjeynaynaa wakhtiga dhow in ay bilaabmaan isu socodkii labada da ee duulimaadyada tooska ah marka heshiisyada la kala saxeexdo, oo ay Shirkaddaha Diyaarada Kenya Airways iyo kuwa kale ee Ganacsiga iyo kuwa rakaabka qaadaa shaqada bilaabaan si ay u fududdeeyaan isu socodka labada dal”ayuu raaciyey hadalkiisa.
Ambasadoor Baashe Cawil Cumar, waxa kale oo uu ka warbixiyey waxyaabaha uu xafiiskiisu ka qabto soo jiidista maalgashadeyaasha caalamiga ah ee xarumaha ku leh dalka kenya, waxaanu xusay inay xidhiidh la sameeyeen Shirkaddo iyo Hay’addo ka ka shaqeeya dhanka Ganacsiga oo ay leeyihiin dawladdo kala duwan.
Danjiruhu isagoo arrintaas ka hadlaya waxa uu yidhi”waxaanu xidhiidh la samaynay shirkaddaha iyo Hay’addaha Ganacsi ee dawladdaha aynu xidhiidhka leenahay ee reer galbeedka, waxaana kamida rugta Ganacsiga Boqortooyada Ingiriiska, Shirkaddo Maraykan ah iyo xafiiska midowga Yurub ee Ganacsiga, waxaasoo dhan waxa aanu u bandhignaa fursadaha ganacsi ee Somaliland yaalla. qaarkood way yimaadeen kuwo kalena in ay yimaadaan ayaanu rajjeynaynaa marka Dekedda la furro”

Madaxweyneyaasha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Kenya Muuse Biixi Cabdi iyo Uhuru Kenyatta, ayaa 15 bishii December heshiis ku gaadhay qodobo ay kamid yihiin     in Kenya ay qunsuliyad ka furato magaalada Hargeysa ilaa dhammaadka bisha March ee sanadka 2021-ka. Muddadaas gudaheedana Somaliland waxay sii horumarineysaa howlaha xafiiskeeda Nairobi iyo in Shirkadda diyaaradaha ee Kenya Airways iyo shirkadaha nooceeda ah ee laga leeyahay Kenya ay billaabaan duullimaadyo toos isaga kala gooshada Nairobi iyo Hargeysa marka la gaadho dabayaaqada bisha March ee 2021-ka.

Leave a Reply