Wasaaradda Beeraha Somaliland oo Gobolka Togdheer ka Daah-Furtay Qodaalka Dalaga Beeraha ee Xilliga Guga.

0
532

Hargeysa (Dawan) – Munaasibad loo qabtay daahfurka ka faa’iidaysiga wakhtiga Guga ee dalaga Beeraha waxa ka qayb galay masuliyiinta Gobolka Togdheer iyo masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda horumarinta Beeraha, waxana ugu horayn halkaasi ka hadlay Isuduwaha wasaaradda Beeraha Gobolka Togdheer Maxamed Cabdi Maxamud (Guray) oo sheegay in 23, degaan oo ka tirsan Gobolka laga bilaabayo qodaalka Beeraha iyada oo la beeraayo cuntada baalka leh sida Hadhuudhka, Digir, Qamandi iyo Sinsinta.

Masuliyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda Horumarinta Beeraha oo halkaasi ka hadlay waxa ay shegeen in Gobolka ay ka caawinayaan dedaalka ku aadan wax soo saarka iyo wixii loo baahdo khibarad iyo Aqoon dhanka Beeraha ah.

Qaar ka mida dadka Beeralayda ah ee Gobolka Togdheer oo munaasibada Daah furka ka qayb galay ayaa sheegay in wax soo saarka Beeruhu kor u qaadayo dhaqaalaha dalka iyo Nolosha Bulshada isla markaana ay dedaali doonaan intii awoodooda ah.

Cabdiraxmaan Aadan Xaaji C/laahi, Xoghayaha Gobolka Togdheer ayaa wasaaradda horumarinta Beeraha ee Gobolka Togdheer uga mahadnaqay dedaalka ay ugu jiraan horumarinta wax soo saarka dalaga Beeraha, waxaanu Beeralayda ku dhiiri geliyay in ay laban labaan dedaalkooda ku aadan Beera qodashada.

Leave a Reply