Guddiga Qandaraasyada Qaranka oo Tartan U Qabtay 20 Shirkadood oo …

0
449

Hargeysa (Dawan) – Tartanka loo qabtay shirkadahaas waxa goob joog ka ahaa masuuliyinta Gudiga Qandaraasyada Qaranka, Saraakiisha Ciidamadda iyo shirkadihii ka qayb gelaayay tartankaasi.

Guddoomiyaha Gudiga Qandaraasyada Nuux Maxamed Xuseen, ayaa sheegay in lagu tartami doono Timir loo doonayo Dawladda oo ay ku tartamayaan 13, shirkadood iyo Dhaam laga hirgelinaayo deegaanka Sabo-wanaag oo ay ku tartamayaan 7 shirkadood, waxaanu sheegay in labada mashruucba ay gulaysan donaan laba shirkadood.

Saraakiil ka tirsan ciidamadda Qaranka iyo masuuliyiin ka mida Gudiga Qandaraasyada ayaa sheegay in shirkadaha mashaaricdan ugu guulaysta si daah furan laga rabo masuuliyad iyo in ay qabtaan shaqo Qaranka muhiim u ah.

Ugu dambayn qaar ka mida shiradaha ka qayb gelaaya tartanka oo halkaasi ka hadlay ayaa soo dhaweyay tartankaasi iyaga oo sheegay in ay nasiib wanaagsan u rajaynayaan cidii ku guulaysata tartankani.

Leave a Reply