Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland oo Qalab Kombuyuutar kala Wareegay Hay’adda Socdaalka Adduunka ee I.O.M

0
514

Hargeyeysa (Dawan) – Munaasibada la wareegida qalabkaas oo lagu qabtay xaruna wasaaradda caafimaadka waxa hadal ka jeediyay ka socday Hay’adda IOM waxaanuu sheegay in masuuliyiinta Caafimaadka ay ku wareejinayaan 10, Konbuyuutar iyo Dabkaydiyahoodii, qalabkaas oo xog ururinta ka caawin doona qaybaha Hiv-Adis-ka iyo TB-da.

Mahdi Cismaan Buuri wasiir ku-xigeenka wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ee Somaliland, oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in Kombuyuutaradaasi ay wax weyn ka taridoonaan baahida qalabka ee wasaaradda Caafimaadka.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye, ayaa sheegay in daawooyinka ay Cisbitaaladda dalka gaadhsiinayaan ay ka mid tahay daawada Macaanka maadama oo dadka qaba xanuunada kale ay u nugul yihiin cudurka.

Ugu dambayn Wasiir ku xigeenka wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ee Somaliland Mahdi Cismaan Buuri, ayaa bulshada ku war geliyay in uu soo laba kac leeyay Cudurka Corona-virus, isla markaana looga baahanyahay bulshada in ay kala fogaadaan si caafimaadkoodu u bad qabo, waxaana agabka lagaga hortago Corona Virus iyo daawooyin u qaybiyay Cisbitaalada Goboladda dalka.

Leave a Reply