Muwaadiniin u Dhashay Yaman oo Ku Dhintay Shil Baabuur oo Ka Dhacay Gabilley

0
342

Gabiley-(Dawan)-Alle ha u naxariistee laba qof ayaa ku dhintay laba kalena waa ay ku dhaawacmeen shil baabuur oo ka dhacay duleedka Bari rr Magaalada Gabiley

 

Labada ruux ee dhintay ayaa ahaa ajaanib u dhalatay waddanka Yemen, halka labada kale ee dhaawaca ahna ay yihiin muwaadiniin reer Suuriya, iyadoo mid ka mida xaaladiisu ay aad u culustahay.

Ciidanka Dab-demiska Gabiley ayaa si degdega ah uga Hawlgalay waxaanay Gaadhiga ka soo saareen Maydkii iyo dhaawacii, iyadoo ciidanku gaadhsiiyay cisbitaalka magaalada Gabiley. Waxaana Sababta dhalisay shilkan baadhis ku wada ciidamada Booliska gaar ahaan ciidanka Taraafikada.

Dhaawaca laba qof ayaa lasoo gaadhsiiyey Cisbitaalka guud ee magaalasa Hargeysa ,iyadoo hadda halkaas lagu dabiibayo.

Leave a Reply