Waalidiin Ka Hadlay Dhacdadii Dugsiga Sare ee Nuuradiin

0
836

Hargeysa (Dawan) Qaar ka mida waalidiinta ubadkoodu wax ka bartaan dugsiga Nuuradiin,  ayaa sheegay in ay aad uga xun yihiin wixii ka dhacay dugsiga  sarre ee inamada ee Nuuradiin.

Sidoo kale waalidkani waxaa ay wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Somaliland, ugu baaqeen in si deg dega ay uga hawl galaan sidii dib loogu furilahaa dugsigaasi.

Sheekh Cabdillaahi Sheekh Cali Jowhar, oo isna ka mida waalidiinta ubadkoodu wax ka bartaan dugsiga sarre ee Nuuradiin, ayaa ku taliyay in laga hawl galo sidii ubadka intii aan danbi ka gelin iskuulka ay u soo noqol lahayd.

Suldaan Maxamed Suldaan Axmed Suldaan Cabdiraxmaan Suldaan Diiriye, kana mida waalidka ubadkoodu wax ka bartaan dugsiga sarre Nuuradiin ee Inamada ayaa ugu horeyn ka hadlay sida ay uga xun yihiin wixii ka dhacay dugsigaasi. “Waxaanu halkan ku fadhina waalidiintii ubadkoodu wax ka baranayeen dugsiga sarre ee Nuuradiin, gaar ahaan qaybta wiilasha, oo shalay dhib halkan ka dhacday oo ardayda uun ka timid in koobaniba ha soo abaabushe ay sameeyeen.

Dhab ahaantii dhib weyn ayaa iskuulka soo gaadhay, qalab fara badan ayaa burburay, waala qiimayn doona oo arrintaasi guddi ayaa ku shaqo leh.”

Suldaan Maxamed isaga oo hadalkiisa sii wata waxaa uu si gaara fariin ugu diray wasaaradda waxbarashada iyo sayniska Somaliland, iyo walidiinta ubadkoodu wax ka bartaan iskuulka dhibtu soo gaadhay.“Aad ayaanu uga xunahay dhacdada foosha xun ee iskuulkani ka dhacday, haddii aanu nahay waalidiintii ubadka dhalay falalka noocan oo kale ah waanu canbaaraynayna haddii ay sidan u sii socotana fowdo ayaa ka dhacaysa, wasaaradda waxbarashada waxaanu ugu baaqayna in gacan buuxda laga gaysto sidii ubadku waxbarashadooda u sii wadan lahaayeen ee aan ardayda waxbarashoodu dib uga dhici lahayn.”

Sheikh Cabdillaahi Sheekh Cali Jowhar, oo isna ka mida waalidiinta ubadkoodu wax ka bartaan dugsiga sarre ee Nuuradiin, ayaa ku taliyay in laga hawl galo sidii ubadka intii aan danbi ka gelin iskuulka ay u soo noqol lahayd. “Annaga oo ah waalidiintii ubadkoodu wax ka baranayeen dugsiga sarre ee Nuuradiin gaar ahaan qaybta wiilasha, waxaanu ciddkasta oo iskuulkan ciddi wax uga baranaysay in aanu ka xunahay wixii shalay halkan ka dhacay.

Waa goob waxbarasho waa dugsi sarre, waxaanu jecelahay in aan la is qaadsiin oo iskuuleedeena kala aanay ku dayanin, haddii aan kan wixii ka dhacay wax laga qabana kuwa kalena waa ay ku dayan doonaan, mar haddii dhibta dhacday carruurtu waxy isku wada daydaan.

Waxaa aanu qolada maamulka iskuulka noo haysa aanu ka codsanaynaa in iskuulka sidii dib loogu soo noqon lahaa ay diyaariyaan, oo iskuulka ubadkii dhiganaayay wixii aan danbi lahayni ay ku soo noqdaan”

“Waxaanu halkan ku fadhina waalidiintii ubadkoodu wax ka baranayeen iskuulkani, waxaanu aad iyo aad u canbaaraynaynaa falka foosha xun ee iskuulkan ka dhacay, wax loo adkaysan karayana aan ahayn, waxaa aan idin leeyahay Hooyo heeryadood cunayin ha noqonina”Ayey tidhi mid ka mida Hooyooyinka ubadkoodu wax ka bartaan dugsiga sarre ee Nuuradiin.

 

Leave a Reply