Toban qof oo Xanuunka Covid-19 ugu Dhintay Somaliland

0
366
Sawirka Cisbitaalka Daryeel ee la Dhigo Dadka Qabba Xannuunka Covid-19

Hargeysa-(Dawan)-Afhayeenka guddida ka hortaga xanuunka Covid 19 Xuseen Aadan Cige (Dayr), ayaa sheegay in 3 qof ay dagmada Ceel-afwayn ugu dhinteen Xanuunka Covid 19, 30 kalena ay u jiifaan.

 

Afhayeenka ayaa xussay in caabuqa Covid 19 uu dib u soo laba kacleeyay isla markaana ay dad badan u dhinteen qaar kale ay u jiifaan.

 

“Ceel-afwayn saddex qof baa ku dhintay, 30 qof oo kalena way u jiifaan, Sanaag na waa sidaa, gobolka Sool na dhibaatadu way ka jirtaa, Togdheer way jirtaa” ayuu yidhi afhayeen Dayr: ayuu yidhi

 

Xuseen Deyr ayaa sheegay in xanuunkii uu kasii daraayo loona baahan yahay in la qaato fariimaha caafimaad , waxan uu yidhi “Xannuun kii Covid 19 madama oo uu soo laba kacleeyay, oo xaaladaha hada lagu jiraana ay marba marka ka danbaysa kasii darayaan, guud ahanba qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, waxa ka go’an in uu umada usoo celiyo wacyigalintii”

 

Xukuumadda ayaa bulshada ku boorisay in ay u hoggaan samaan fariimaha caafimadka ee wasaarada caafimadka Somaliland, isla markaana ay xidhaan afsaarka, kala fogaadan, soona celiyaan faro dhaqashadii.

 

Dhinaca kale toban qof ayaa gudaha Somaliland ugu dhintay Xanuunka sida ay shaacisay warbixinta maalinlaha ah ee wasaaradda horumarinta Caafimaadka.

 

Leave a Reply