Afar qof oo laascaanood ugu dhintay Xanuunka Covid-19 iyo Tiro badan oo laga Helay

0
476

Laascanood-(Dawan)- afar qof ayaa magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ugu geeriyooday Xanuunka Safrmarka ah ee Covid-19.

Isuduwaha wasaaradda horumarinta Caafimaadka ee gobolka Sool, Dr Maxamuud Xaaji Khaalif oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in xanuunka laga helay soddon iyo todoba qof bishii ugu danbaysay islamarkaana ay u geeriyoodeen afar ruux.

Xanuunka Dilaaga ah ee covid-19 ayaa dib ugusoo laba kacleeyey Jamhuuriyadda Somaliland xilli ay shacabku ka cago jiidayaan fariimaha caafimaad ee ay la wadaagayso wasaaradda horumarinta Caafimaadka.

Leave a Reply