Ciidanka booliska oo Xidhay Maamulaha Dugsiga Sare ee Salaama

0
499

Hargeysa-(Dawan)- Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa Xabsiga u taxaabay maamulaha Dugsiga Wiilasha ee Salaama kaasi oo Saaka uu ka dhacay banaanbax kooban oo ay Sameeyeen ardayda dugsigaasi.

Masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska ayaa sheegay in ay Baadhis ku samaynayaan sababta keentay in ardayda gadoodaan islamarkaana ay talaabo adag ka qaaday ciddi ay ku cadaato.

Dhacdadan ayaa noqonaysa tii labaad ee ka dhacda Magaalada Hargeysa ee ay sameeyaan ardayda wax ka barta dugsiyada Nuuradiin iyo Salaama ee gaarka loo leeyahay.

Leave a Reply