Wariye Shaqadiisi Ku Waayay Faalo Uu Ka Bixiyey Xaaska Amiir Harry

0
443

London (Dawan)- Piers Morgan oo kamid ah weriyayaasha ugu caansan Ingiriiska ayaa ka tegay shaqadii u hayay barnaamijka Good Morning Britain ee telefishinka ITV, kadib muran ka dhashay faallo uu ka bixiyay xaaska amiir Harry, Meghan Markle.

Weriyaha ayaa barnaamijkaas daadihinayay muddo 6 sano ah.

Telefishinka ITV ayaa shaaciyay go’aanka uu shaqada uga tagayo Piers Morgan, kadib markii in ka badan 41,000 dacwadood laga gudbiyay faalladiisa ku aaddan Meghan.

Barnaamij uu tebinayay Isniintii ayuu Morgan ku sheegay in “uusan hal kalmad ka rumaysan” waraysigii ay Meghan siisay Oprah Winfrey ee ay uga hadashay dhibaatada maskaxeed ee soo wajahday.

Maamulka ITV ayaa u sheegay BBC in bixitaanka Morgan uu saameyn ku yeelan doono barnaamijkaas subixii la sii daayo, balse waxa ay ka gaabsadeen inay sheegaan cidda la wareegaysa kaalinta uu baneeyay.

Piers Morgan iyo Alex Beresford oo saadaasha hawada u tebiya ITV ayaa isku qabtay faallada ka dhanka ah Meghan, waxaana Beresford uu ku dhaliilay Morgan inuu “sii wado magac-dilka” ka dhanka ah xaaska amiir Harry.

Dood kulul kadib, Morgan ayaa isaga baxay barnaamijka uu waday, inkastoo uu dib hawada ugu soo laabtay 10 daqiiqo kadib.

Madaxa ITV, Dame Carolyn McCall, ayaa sheegtay inay “rumaysan tahay waxa ay sheegtay Meghan,” iyadoo intaa raacisay in telefishinka uu garawsan yahay dhibaatada xanuunnada dhimirka.

Dawannews Hargeysa office

 

Leave a Reply