Gudoomiyaha Gobolka Awdal, oo Furay Kulan ku Saabsan Horumarinta Magaalada Boorama

0
704

Hargeyasa (Dawan) – Sida uu ku soo waramaayo wariyaha wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA uga soo warama magaalda Boorama Abokor Xasan Caafi ayaa sheegay in Kulankaas ay qayb ka ahaayeen maamulka degmada Boorama, jaamacadd Camuud, masuuliyiinta laamaha dawlada ee gobolka Awdal, iyo shirkadaha ka shaqeeya nadaafadda magaalada Boorama.

Kulankaas ayaa arrimhii ugu mihiimsanaa ee lagaga hadlay ayaa waxa ka mid ahaa qorshaynta magaalada Boorama, sidii dib u habayn loogu samayn lahaa garoonka diyaaraha ee magaaladaas iyo kor u qaadida nadaafadda magaalada Boorama.

Waxa kale oo kulankaas ka qayb-galay masuuliyiinta shirkadaha ka shaqeeya nadaafadda magaalada Boorama

Ugu dambayn gudoomiyaha gobolka Awdal Maxamed Axmed Caalin (Tiimbaro) oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay sheegay in kulanaasi noqon doono mid xoogga lagu saari doono koru qaadida guud ahaan horumrinta degmada Boorama.

Waxa kale oo uu shegay gudoomiye Tiimbaro in maamulka gobolku ay ka hawl-gali doonaan sidii uu dib ugu hawl-gali lahaa madaarka diyaaradaha ee magaalada Boorama, waxaanuu intaas ku daray inay soo dhawaynayaan cidkasta oo qayb ka noqon karta horumarinta madaarkaas.

Leave a Reply