Saddexda Xisbi Qaran Iyo Masuuliyiinta Koomiishanka Qaranka Oo Kormeer Ku Maray Goobaha Kaadh Qaybintu Ka Socoto Magaaladda Ceerigaabo

0
502

Ceerigaabo(Dawan)-Saddexda xisbi Qaran ee Somaliland ee UCID,WADDANI iyo KULMIYE oo ay weheliyaan xubno ka tirsan Koomiishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland ayaa maanta soo kormeeray goobaha ay ka socdaan qaybinta kaadhadhka codbixinta doorashooyinka Somaliland ee magaaladda Ceerigaabo.

Markii uu kormeerkaasi soo dhammaaday waxa warbaahinta la hadlay masuuliyiinta saddexda xisbi Qaran iyo masuuliyiinta Koomiishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland, waxaana ugu horeyn halkaas ka hadlay Komishaneer Cabdifataax  Ibraahim oo faah faahin ka bixiyey qaabka ay u socoto kaadhadh qaybintu, waxaanu tilmaamay in gobolka Sanaag kaadhadhka laga qaybin doono 210 goobood , kuwaas oo shaqaalihii ka hawlgelaayey ay nabad qab ku gaadheen goobahaas, isla markaana ay maantaba ka bilaabantay shaqada qaybinta kaadhadhka codbixintu.

Waxa uu sheegay Cabdifataax Ibraahim in maalmo yar oo hakad ahi ay iman doonaan, muddo kadibna dib loo bilaabi doono oo ay toddobaad kaadhadhka aan la qaadanini sii ooli doonaan degmooyinka, iyada oo heer degmo lagu qaadan doono kaadhadhkaas.

Waxa iyaguna halkaas ka hadlay Cismaan Afgaab, Maxamed Cali Muuse iyo Axmed Nuur Faahiye oo ku hadlaayey afka saddexda xisbi Qaran ee Somaliland ,waxaanay shacabka gobolka Sanaag u direen fariin ku aaddan qaadashada kaadhadhka codbixinta, iyaga oo tilmaamay in la qaadan doono kaadhadhkii diwaangelintii hore aan la qaadan ee soo hadhay  iyo kaadhadhkii dadkii cusbaa ee dhowaan la diwaangeliyey.

Masuuliyiintan ka kala socday saddexda xisbi Qaran ee Somaliland ayaa si weyn ugu mahadceliyey Koomiishanka Doorashooyinka Somaliland oo ay uga mahadceliyeen sida ay hawlaha u wadaan.

Leave a Reply