Xaflad Balaadhan oo lagu Waynaynaayo Nabigeena oo Hargeysa lagu Qabtay

0
455

Hargeysa (Dawan) Xus balaadhan ayaa maanta loo Sameeyay maalinta Micraajka Rasuulka(Scw) oo ahayd Maalintii Nabi Maxamed loo Dheelmiyey Samada sarre halkaas oo uu nabigu kula kulmay ILLAAHEY, kadibna Nabiga lagu soo amary in umaddiisa islaamka ah ay waajib ku tahay inay tukadaan salaadaha shanta wakhti.

Xuskan oo ay ka soo qayb galeen Culimaa’udiinka ugu waweyn dalka, dhallinyaro, ku soo labisatay Shulugyo cad-cad iyo cumaamad  ay jeeni-qarteen ayaa qaarkood waxaa ay  ku luuqaynayay qasaa’id aad u macaan oo soo jiitay dhammaan dadkii ka soo qayb galay Xuskan.

Micraajka Nabiga oo lagu qabtay Huteel Maansoor ee magaalada Hargeysa ugu horeyna waxa hadal aad u dheer oo ah Siiradii Rasuulka (Scw) sheikh Yuusuf Cabdi Xoore.

Sidoo kale waxaa iyaguna qudbado kala duwan halkaasi ka jeediyay culimadii ka soo qayb gashay xuska Micraajka Nabigeena Subaan (SCW).

Dhanka kale guddoomiye ku xigeenka golaha wakiillada mudane Axmed Yaasin Sheekh Cali Ayaanle, isaga oo  ka waramay faa’iidada ay leedahay in ummada Islaamku ay barato maalinta Micraajka.

Halkan ka Daawo

Leave a Reply