Hal Abuurinimadu Waa Horumarka Qofka!

0
794

Walt Disney wuxuu ahaa ganacsade iyo filim soo saare Mareykan ah oo ku dhashay Magaalada Chicago Bishii December 5-tedii Sannadkii 1901, wakhtigii uu dhalinyarada aha wuxu ka shaqayn jiray wargeys dalkaasi ka soo baxa.

Agaasimaha wargeyska ayaa Mr Walt Disney shaqadii ka eryay isagoo sheegay in aanu lahayn curinta fikrado cusub oo lagu horumarin karo wargeyska iyo sheekooyin mala awaal ah oo xiiso leh oo akhristayaasha soo jiita. Laakiin Mr.Walt  kuma niyad jabin taasi, waxaana uu go’aansaday inuu noqdo qof leh hal abuurka qisaska khayaaliga ee filimada laga sameeyo inkasta oo uu marar badan ku fashilmay oo uu khasaare kala kulmay, haddana marna hamagiisu muu dhimin, mana niyad jabin.
Ugu danbaystii wuxu sameeyay sheekadii uu ku caan baxay ee filimka laga dhigay ee loo bixiyay   “Snow White and the Seven Dwarfs” Toddobadii gaabnaa iyo barafka cad. Inkasta oo uu dhintay Mr.Walt Disney sanadkii 1966, haddana shirkadiii uu abuuray waa kuwa maanta ugu ballaadhan ee ugu horeeyay sheekooyinka khayaaliga ee filimada laga sameeyo.   Dakhliga shirkadda ayaa sanadkii tegay 2017 gaadhayay $ 55.137 billion , iyadoo faa’iidad saafiga ahina ay noqotay    $ 8.980 billion . Tirada shaqaalaha shirkadda ayaa iyana gaadhaya 195,000  xubnood.  Ma jirto waxaan la samayn Karin laakiin waxay ku xidhan tahay dadaal iyo kalsoonida aad isku qabto.   Hadafka gaadhidiisu yay kaa lumin, hal abuurinimo iyo curintuna waa horumarkaaga.

Leave a Reply