Sabirka Iyo Furayaasha Guusha !

0
517

Hawl kasta oo aad bilowdo, diyaar u noqo in ay kaaga baahan tahay dadaal iyo niyad adag.

Farqiga u dhexeeya dadka guuleysta iyo kuwa fashilma waa guuleystaha oo sameeya dhammaan arimihiii ay ka daaleen kuwa fashilmay.

Marka 10 albaab lagaa furi waayo Allah (sw) talo saaro, ha niyad jebin garaac albaabka 11 adigoo fursadda ka faa’iidaysanaya oo faraxsan, oo weliba dhoola cadeynaya, wajigaagana aanay ka muuqan niyadjab, daal iyo murugo.

Waa albaabka guusha. Ma fahantay waxa aad qabatay? Haa. Waa Allah oo aad talo saaratay, samir, wakhti, kalsooni iyo dadaal. 10 albaab ee xidhan maxaad uga niyad jebi weyday? Waxaad raadinaysay guusha aad gaadhay. Samirka iyo dadaalku waa furaha guusha.

Leave a Reply