Wasiirka Cadaaladda Somaliland oo Sheegay in la Joojiyay Booqashadii Maxaabiista ku Xidhan Jeelasha Dalka

0
407

Hargeysa (Dawan) Wasiirka wasaaradda cadaaladda Somaliland, mudane Saleebaan Warsame Guuleed, ayaa sheegay in ay joojiyeen guud ahaanba dadkii  booqashooyinka ku tagi jiray 14-ka Xabsi ee gobollada dalka oo dhan, si maxaabiista Jeelasha ku jirta ay uga badbaado soo laba kaclaynta xannuunka safmarka ah ee Covid-19.

Sidoo kale waxaa xusay in ay joojiyeen iyaga oo kaashanaya taliyaha ciidanka asluubta iyo saraakiishiisa is-dhaafintii maxaabiista Xabsiyada dalka, si looga hortago faafitaanka xannuunka Covid-19, isla markaana Xabsi kasta Maxaabiistii ku jirtay uun laga hawl galay sidii loogu filaysiin lahaa.

Dhanka kale wasiirku waxaa uu sheegay in kooxo caafimaad oo baadha, badqabka Maxaabiista ku xidhan Jeelasha ay u direen guud ahaan gobollada dalka oo dhan.

Waxaa kale oo uu tilmaamay in uu meel wanaagsan marayo dhismaha Xabsigii dhaqan celinta carruurta ee Mijacaseeye, dhawaana ay bilaabayaan sidii carruurta Jeelasha ku xidhan looga soo saarilahaa ee loo gaynlahaa Xabsiga Mijacaseeye, si ay u sii wataan geedi socodkoodii waxbarasho, waxaanu wasiirku sidan ka sheegay mar uu maanta warbaahinta kula hadlayay gudaha magaalada Hargeysa.

Wasiirka cadaaladda mudane Saleebaan isaga oo ugu horrayn arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi.“Dalku waxaa uu leeyahay 14-jeel oo shaqeeya ayuu leeyahay, maxaabiis badan oo tiro badan ayaa ku jirta, ciidamada laf ahaantoodu gacanta ayay ku hayaan, markii uu xannuunka iyo casbidiisii soo laba kaclaysay, annaga oo iskaashanayna taliyaha iyo saraakiisha kala duwan ee ciidanka asluubta talaabooyin badan ayaanu qaadnay.

Waxaana ka mida, waxaa aanu joojinay dhammaan bookhashooyinkii loogu tagi jiray maxaabiista, sababta oo ah dadka maxaabiista bookhanaya waxaa ay ka yimaadan dibeda, gobollada dalka meelo kale oo kala duwan ayay ka yimaadan, dhammaan waxaa aanu joojinay bookhashooyinkii sidaas oo kale ahaa.

Waxaa jira koox ka kooban lix xubnood oo aanu u dirnay dhammaan gobollada dalka oo dhan,  oo Xabsiyada oo dhan soo maray, isla markaana gaadhsiiyay qalabkii lagaga gaashaamanayay, sida af xidhkii, falaxkii iyo daawooyinkiiba, waxaanay warbixin ka soo sameeyeen xaalada maxaabiista, sidoo kalena war subaxeedka, taliyaha ciidanka asluubta iyo saraakiishiisuba waxaa laga war haya dhammaan xaalada ay ku waabariisatay Maxaabiistu.”

Dhanka kale wasiir Saleebaan waxaa uu ka hadlay tallaabooyin muhiim u ah badbaada Maxaabiista Jeelasha ku xidhan oo ay ka wasaaradd ahaan qaadeen waxaanu yidhi. “Waxaa kale oo ka mida tallaabooyinka aanu ku tallaabsanay ee ciidamada asluubta aanu isla kaashanay in Maxaabiista la kala durkiyo oo Jeelasha la isu miisaamo, waad og tihiin Jeelasheenu kuwa dhammaaday oo la dhisayna waa leeyihiin, kuwa la dayactirayna waa leeyihiin, kuwa dayactir u baahana waa leeyihiin, Maxabiista la soo xidhayo ee muwaadiniin iyo ajaaniba leh iyo Xabsiyadeenu waa kala culus yihiin, sidaasi darteed waxa aanu ku dadaalnay in xata Maxaabiista la kala durkiyo, la kala yareeyo, Jeelasha la isu miisaamo, iyada oo aanu hadda jiraynin isu-baddelkii Maxaabiista ee ahaa Xabsi ilaa Xabsi, balse Xabsi kasta gudihiisa in fursado la kala siiyo Maxaabiista ayaanu ku dadaalnay, waana wax aanu is leenahay halagu yareeyo faafitaanka xannuunkani”

Wasiirku isaga oo hadalkiisa sii wata waxaa uu intaas ku daray“Waxaa kale oo aanu wadna in shaybaadhkii la badiyo, in daawooyinkii kor loo qaado, wasaaradda caafimaadka hawshaasi waanu isla kaashanaynaa, in kooxihii kormeerka kor loo qaado, in aad loogu dhawaado, maxaabiisteena Jeelasha ku jirta iyo ciidanka gacanta ku hayaba”

Waxaa kale oo uu tilmaamay in uu meel wanaagsan marayo dhismaha Xabsigii dhaqan celinta carruurta ee Mijacaseeye, dhawaana ay bilaabayaan sidii carruurta Jeelasha ku xidhan looga soo saarilahaa ee loo gaynlahaa Xabsiga Mijacaseeye, si ay u sii wataan geedi socodkoodii waxbarasho, “Xabsiga dhaqan celinta carruurta ee Mijacaseeye dhismihiisi meel wanaagsan ayuu marayaa, dhawaana waynu kala saari doona ubadka yar yar iyo dadka maxaabiista ah ee waa weyn.

Carruurta yar yarna tabbabaro ayaanu siinay, waxaana tabbabara ciidamada gacanta ku haya iyo dadka u adeegaya, hawshaasi rajo wanaagsan ayay leedahay, dhawaan waxa aanu rajaynayna in uu inoo furmo Jeelku haddii ILLAAHEY yidhaaho”

Halkan ka Daawo

 

Leave a Reply