Maxaan Kaaga Dakhli Yaraaday?!

0
351

Wuxu ahaa dhakhtar wadnaha takhsus u leh, markii uu gaadhigiisu ka xumaaday ayuu geeyey geerashka.  Makaanigii oo garanaya inuu yahay Dhakhatarkii ayaa usoo kacay oo si degdeg ah gaadhigii la wareegay si uu u hagaajiyo, isla markiiba wuu bakhtiiyay waxaana uu ku bilaabay inuu baadho cillada.

Qalabkii ayuu qaar ka soo  saaray oo ka bedelay, isagoo kuwo cusubna ku bedelay.

 

Markii uu dhameeyay ayuu makaanigu ku yidhi Dhakhtarka : “ Maad ii ogolaan inaan su’aal ku weydiiyo” Dhakhtarka 00 yaaban aya si degan u yidhi “ Haa, mahadsanid”.

Makaanigii ayaa ku yidhi: “Adigu dadka wadnahooda ayaad dawaysaa, aniguna wadnaha baabuurta ayaan daaweeyaa, maxay ku dhacday inaad adigu qaadato lacag aad u badan, aniguna aan kaaga dakhli yaraaday?”

Ninkii dhakhtarka ahaa ayaa ku soo dhowaaday waxaana uu ku yidhi “ Haddii aad u malaysay inaad ila mid tahay, ogow adigu gaadhiga adigoon bakhtiin mishiinkiisa kama shaqaysid, laakiin anigu noole ayaan ka sheqeeya mana bakhtiiyo.

Leave a Reply