Nolosha Hadaf Iyo Garasho Ayaa Toosiya!

0
393

Nin indhoole ah oo dawarsanaya ayaa fadhiyay fooq weyn hortiisa waxaana uu sitay boodh uu ku qoray “ Waxaan ahay nin indhoole ah ii gargaara,”? , Laakiin dad badan wax badan lagma caawin, dadka badankood ayaa iska dhaafayay.

Nin ayaa soo maray indhoolahan waxaan uu uu arkay in aany dadku wax badan siinayan oo ay iska dhaafayaan. Boodhkii dhinac yaallay ayuu ka qaaday isagoo ogsiin indhoolaha waxaana ku sameeyay qoraal kale , ka diban halkeedii ayuu ayuu dhigay “ Markaasi ayay dadkii aad u wax u siiyeen, indhoolihii ayaa dareemay inay wax is bedeleen, waxaan uu maqlay inay dadku hadal hayaan qoraal aan kiisa ahayn, markaasi ayuu weydiiyay nin wax siiyay maxaa ku qoran boodhkayga ?

Ninki ayaa ku yidhi waxa ku qoran :“ Waxaynu galay wakhtigii guga, laakiin anigu awood uma lihi inaan arko quruxdiisa, haddaba igu caawiya si aan idiinla farxo”. Markaad aragto in ariimuhu aanay u  socon sidii aad doonaysay bedel wadada aad hore u isticmaalaysay. NOloshu waa hadaf inaad yeelao iyo inaad garato gaadhida hadafka.

Leave a Reply