Wasaaradda Caddaaladda oo Laashay sharciyada 7 Nootaayo

0
1279

Hargeysa Dawan) Wasaaradda caddaaladda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa soo saaray amar ay ku laashay toddoba ka mida Nootaayooyinka ku kala yaala gobollada Maroodijeex, Awdal iyo Gabiley.

Waxaana sidan lagu sheegay war qoraal ah oo ka baxay xafiiska wasiirka wasaaradda caddaalada mudane, Saleebaan Warsame Guuleed, kaas oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay xafiiska warqabadka Wargeyska Dawan.

Wasiir Saleebaan ayaa u cuskaday qoddobka 18-aad ee xeerka Nootaayooyinka Lr/18.2001.

Nootooyinka sharciyadooda la laalay waxa ay kala yihiin  Nootaayooyinka kala ah:

1)- Nootaayada  Somaliland oo ku taalla magaalada Hargeysa.

2)- Nootaayada Yaqaf oo ku taalla Hargeysa.

3)- Nootaayada Aw Daahir oo ku taalla Hargeysa.

4)- Nootaayada Madar oo ku taalla Gabiley

5)- Nootaayada Xudaybiya oo ku taalla Boorame

6)-Nootaayada Abaadir oo ku taalla Boorame.

7)- Nootaayada Ileeye oo ku taalla Wajaale.

Wasiirku wuxu faray nootaayooyinkaas sharcigooda lalaay in ay soo wareejiyaan wixii dukumenti iyo shaanbado ah ee ay hayaan, kuna soo wareejiyaan agaasimaha waaxda nootaayooyinka, ee wasaaradda caddaalada, halka nootaayooyinka ku yaala gobolada iyagana la farayo inay ku wareejiyaan agabkaas isu duwayaasha wasaaradda caddaalada ee gobolada dalka.

 

Leave a Reply