Gabiley: Muwaadin ka Bilaabay Barnaamij Noociisu ku cusub Yahay Somaliland

0
370

Gabiley (Dawan) Suhayb Sacad Axmed Aw Nuux, kana mida dhallinyarada aqoon yahanka ah ee magaalada Gabiley ee xarunta gobolka Gabiley, ayaa bilaabay barnaamij lagu kaalmaynayo ardayda wax ka barta goobaha waxbarashada ee gudaha magaalada.

Barnaamijkan oo sida uu sheegay waxtarkiisu badan yahay ayaa loo bixiyay “One student, One  maska”, hal arday iyo xabad Af-saab ah, maadama cidda halista ugu jirta xannuunka safmarka ah ee Covid-19 ay yihiin da’yarta iskuulada wax ka barta.

Muhindiska barnaamijkan oo khadka telefoonka ugu waramay wargeyska Dawan, ayaa sheegay in curintiisu ay ku dhalatay kadib markii uu arkay qaar ka mida carruurta awoodooda dhaqaale ay hoosayso oo iyagu aan iibsan karin, Af-saabka laga doonayo in ay xidhaan xilliga ay ku guda jiraan waxbarashadooda.

Sidoo kale waxaa uu xusay in ay ardayda kii awoodu u saamaxdo in uu iibsado iyo kii aanay u saamaxaynba ay siin doonaan.

Suhayb waxaa uu baaq u diray, ganacsatada, culimada, xukuumadda iyo guud ahaan bulshaweynta reer Somaliland guda iyo dibedba ka codsaday in laga taageero awooda dhaqaale ee uu rabbo in ku iibiyo Af-saab ay ubadku xidhaan si ay uga badbaadan halista xannuunka Covid-19.

Suhayb isaga oo arrimahaasi si faahfaahsan uga hadlaya waxaa uu yidhi. “Barnaamijkani dhawaan ayuu maskaxdayda ku soo dhacay, kadib markii aan qiimeeyay xaalada caafimaad ee dalkeena, maadama uu soo laba kacleeyay xaalada xannuunka safmareenka ah ee Covid-19, isla markaana uu ka khatar badan yahay xannuunkii hore.

Af-xidhka ardayda ayaanu siinayna kuwooda awooda u leh iyo kuwooda aan awoodin intaba, balse waxyaabaha igu dhaliyay ayaa ah kadib markii aan arkay arday ka dhashay qoysas danyara oo iyagu aan iibsan karin Af-xidhka ardayga loogu baaqay in ay soo qaataan.

Hadda iskuulada dawladda ee ku yaala gudaha magaalada Gabiley ayaanu is leenahay aad bilowdaan qaybinta Af-saabka ama Af-xidhka.

Barnaamijkan dhallinyaro aanu saaxiib nahay ayaa si mutadawacnimo ah igala shaqeeyay, iyaga oo ku baahiyay baraha ay bulshadu ku kulanto, hadda ma hayo wax dhaqaale ah oo sidaasi u buuran balse waan rajaynaa, waxaananu ganacsatada, xukuumadda, culima aw diinka, iyo bulshaweynta reer Somaliland guda iyo dibedka ka codsanayna in ay arrintan naga taageeraan.

Waxaan si gaara fariin ugu diraya maamulka gobolka Gabiley, heer degaan iyo heer gobolba in ay nagala qayb qaataan badbaadinta ubadka wax ka barta goobaha waxbarashada, oo ay nagga caawiyaan awooda dhaqaale ee aanu ku soo iibinayno Af-xidhka ubadkeena.

Arrintan qaybinteeduna waxaa ay ku xidhan tahay marka aanu sugno tirada ardayda iyo awooda dhaqaale ee aanu ku soo iibinayno Af-saabka marka aanu isu miisaano.

Af-saabka laf ahaantiisa ayuu qiimihiisu kala duwan yahay, mid waxaa la siiyaa shan kun oo shilinka Somaliland ah, oo waa ku marka aad xidhata uun ku eeg, midna shan iyo toban kun oo shilin ayaa la siiya oo waa mid muddo badan aad isticmaali kartid marka bulshada waxaa aanu ka codsanayna in nalaga caawiyo hirgalinta fikirkayaga badbaadi walaalka, oo bixi hal dollar una iibi xabad Af-xidha.

Haddii barnaamijkayagi hirgelo waxaa aanu doonayna in aanu gaadhsiino guud ahaan gobolka Gabiley iyo degaanada ku xeeran”

 

Leave a Reply