Xarunta Gobolka Togdheer ee Burco waxa Si Rasmi ah uga Bilaabmay Tallaalka Xannuunka Covid 19.

0
1275

Hargeysa (Dawan) – Sida uu ku soo waramaayo wariyaha wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA Maxamed Yuusuf Cabdilaahi (Maxamed Wardi) waxa talaalkaas si rasmi ah daah-furay maamulka wasaaradda caafimaadka gobolka Togdheer, ka gobolkaas iyo ka degmada Burco.

Gudoomiyaha gobolka Togdheer Maxamed Diiriye Xayd iyo isuduwaha wasaaradda caafimaadka ee gobolkaas Dr. Aadan Casayr, taliyaha qaybta booliska ee gobolkaas gaashaanle dhexe Maxamed Faarax Nuur iyo masuuliyiin kale oo tallaalkaas si rasmi ah u qaatay ayaa sheegay in talaalkaasi yahay mid aan wax dhibaato ah lahayn, iyagoo guud ahaan dadka ku nool gobolka Togdheer u soo jeediyay inay tallaakaas qaataan.

Ugu dambayn xog-hayaha fulinta ee dawlada Hoose ee Burco Cismaan Maxamed Sheekh Cismaan ayaa shacabka ku nool magaalada Burco ku dhiirigeliyay inay tallaalkaas qaataan, isla markaana ay fuliyaan amarada guddida heer qaran ee xakamaynta Covid 19 iyo tilaamaha wasaaradda caafimaadka  ee ku saabsan ka feejigaanta xannuunkaas.

Leave a Reply