“Guul-darro 2-aad Xisbigu uma taag Hayo, Waxaan gartay maanta inaan ahay kii Badbaadin lahaa”Cabdillaahi Dahab

0
382

Hargeysa (Dawan) Siyaasi Cabdillaahi Dahab, kana mida saraakiisha sar sare ee xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, ayaa sheegay in aan loo baahnayn guuldaro danbe oo xisbigooda soo wajahda, isla markaana uu isagu yahay kii badbaadinlahaa, waa sida uu hadalka u dhige.

Siyaasi Cabdillaahi Dahab isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi.”Guul darro labaad Xisbigu uma taag hayo, Waxaan gartay maanta inaan ahay kii badbaadin lahaa.” Cabdillaahi Dahab

Difaaca qaranimada Waddani waa inuu number one ka noqdo, inuu ka horeeyo Kulmiye oo aanu Madaxweynaha ku halayn oo wasiiradiisa ku halayn difaaca qaranku waa waajib qof walba saaran, hadii garoonkii aad kubbada ku ciyaari lahayd aad dhagxaan ku gurto, oo quraarado ku jebiso, oo aad kharibto maxaa kubbad lagu ciyaarayaba.

Waxaad ummada hoogamin kartaa markaad uurkeeda isku baneyso ee aad qaranimadeeda ilaaliso, in calaamutul su’aal lagu saaro qaranimadaada iyo waddankaaga sidaad u difaacayso oo aad ka jawaabo kari waydo waa dhibaato”.Sidaas, waxa yidhi Siyaasi Cabdilaahi Dahab oo Ka tirsan xisbiga Waddani oo wareysi siiyay Sahan TV

Leave a Reply