“Caruurtu Xabsiyada Waxa ay ka Heli Doonaan Wixi Sharcigu u Dammaanad Qaaday” Wasaaradda Cadaaladda

0
418

Hargeysa (Dawan)– Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda. Saleebaan Warsame Guuleed oo uu wehelinayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Cadaaladda Cabdirahmaan Sh. Xassan Ismaaciil ayaa shalay magaaladda hargaysa ka furay cilmi baadhis lagu lafaguurayey xog ay waaxda Haweenka iyo Caruurta ka soo uruurisey lixda gobol taas oo ku saabsanayd sidii caruurta loogu samayn lahaa xabsi ka leexin loona ogaan lahaa baahiyaha ka jira saldhigyadda iyo Xabsiyada dalka .

Agaasimaha waaxda haweenka iyo caruurta ee wasaaradda caddaaladda Ismahaan Xaaji Dool iyo gaashaanle dhexe Cabdicasiis Sheekh Ismaaciil oo ah hoggaan ku-xigeenka hawlaha ciidanka Booliska, oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in qiimayn ay ku soo sameeyeen xaaladda xuquuqda aadanaha ee carruurta Somaliland ee xabsiyada ku jirta ay ku ogaadeen in aanay carruurtu hore u heli jirin xuquuqda xeerarka dalku ay siiyeen, iyaga oo sheegay in dhaqan celin loogu samayn doona xabsiyada dalka carruurtaasi isla markaana ay xabsiyada ku heli doonaan wixii uu sharcigu u dammaanad qaaday.

 

Agaasimaha guud ee wasaaradda caddaaladda Somaliland Cabdiraxmaan Sheekh Xasan Ismaaciil oo isna ka hadlay goobtaasi ayaa sheegay in xuquuqda haweenka iyo carruurtu ay yihiin waxyaabaha ugu muhiimsan ee wasaaradda cadaaladda Somaliland ay u hayso qaranka, waxaana uu intaas ku daray daraasaddan ay ka doodi doonaan isla markaana kaabis iyo wax ka badal lagu samayn doono, intaas ka dibna in sida ugu dhakhsiyaha badan ay u dhaqan gelin doonaan maxsuulka ka soo baxa cilmi baadhistan.

 

Wasiirka wasaaradda cadaaladda Jamhuuriyadda Somaliland Saleebaan Warsame Guuleed ayaa sheegay in dhallinyartu ay yihiin laf dhabarta dalka sidaa awgeedna ay tahay in laga war hayo oo si gaar ah loola socdo xaaladdooda marka ay xidhan yihiin iyo marka horeba.

 

Wasiirku waxa uu sheegay in daraasaddan lagaga tashan doono sidii loo maarayn lahaa caruurta yar yar ee khilaafta sharciga dalka u yaalla, isaga oo xusay inuu ku rejo qabo in darasaddaasi ay ka soo baxaan maxsuul wanaagsan oo da’yarta dalka wax tara.

 

Leave a Reply