Wasaaradda Caafimaadka oo Agabka Covid-19 Kala Wareegtay Dawladda Taywaan

0
438

Hargeysa-(Dawan)-Wasaaradda horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa agab caafimaad oo u gaar ah Covid-19 kala wareegtay Safiirka dawladda Taywaan u jooga Caasimadda Hargeysa.

Qalabka ay dawladda taywaan ku wareejisay wasaaradda horumarinta Caafimaadka ayaa isugu jira Surgical Masks.Isolation Gowns. Coveralls Head Covers. Shoe Covers. Hazmat Suites.

Dawladda Taywaan ayaa Jmahuuriyadda Somaliland soo gaadhsiiyey qalab kala duwan oo u gaar ah Xanuunka Covid-19 Tan iyo intii uu dalka bilaabmay March 2020.

Taywaan waxa ay Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland soo gaadhsiinayeen qalab caafimaad oo aad u tiro badan oo ay ka mid yihiin mashiinnada cudurka lagu baadho, dawooyin iyo dhammaan qalabka ka hortagga cudurka COVID-19. Sida ay sheegeen Masuuliyinta Wasaaradda Caafimaadka .

 

Tirada dhimashada ee xanuunka Covid-19 ayaa ku dhow laba boqol oo qof tan iyo markii uu bilaabmay.

 

 

Leave a Reply