Wasaaradda Warfaafinta oo Kulnasiisay Wasaaraddaha iyo Hay’addaha Qaranka

0
788

Hargeysa-(Dawan)-Kulan-hawleed ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigalintu,  oo la xidhiidhay dejinta hab-raaca wada-xidhiidhka hay’addaha dawladda ayaa lagu soo gebagebeeyey Hargeysa.

Agaasimaha Guud Maxamed Yuusuf oo gunaanadkii hadal ka jeediyey ayaa sheegay in aqoon-is-weydaarsiga labada maalmood wax badan ka qeybgelayaashu ka faa’iideen

“Faa’iidooyinka koowaad waa in hawlwadeenada wasaaradaha kala duwan u qaabilsan xidhiidhka dadweynahu isku bartaan.

Agaasimaha Guud ee Warfaafinta oo ka hadlayey sababta keentay qabashada kulanka ayaa sheegay inay ugu muhiimsan tahay sare u qaadida warbaahinta dawladda, tayadoodii, barnaamijyadooda

“Waxaynu wada leenahay inaynu wada ilaashano oo ka wada shaqeyno ilaashigiisa ayaa loo baahan yahay.

Wasaaradaha dawladda oo waajibaad kala duwan mid walba u  idmantahay sida uu dhigayo Xeerka Kala Xadaynta Nidaamka Xukuumadda iyo Hay’addaha Madaxa-Banaan Xeer Lr. 71/2015, ayaa waxa jira masuuliyad wadareed ka dhaxaysa, sidaa darteed waa mid lagama maarmaan ah wadashaqaynta Wasaaraddaha iyo Hay’adaha Dowladda guud ahaan gaar ahaana arimaha la xidhiidha xoojinta xog is dhaafsiga, midaynta arimaha saxaafada iyo wanaajinta xidhiidhka lala yeelanayo bulshada loo adeegayo.

Leave a Reply