Musharax Eng Cabdilqaadir Iiman oo Habeenkii Xalay  kulan Afur ah U sameeyey Haldoor iyo Dhalinyarada Magaalada Hargeysa

0
308

Hargeysa (Dawan) Musharaxa golaha deeganka caasimada Hargeysa Eng Cabdiqadir Iiman Warsame isla markaana u ordaaya duqa caasimada Hargeysa ayaa waxaa uu habeenkii xalay aheyd munaasibad afur iyo casho ah u sameeyey haldoorka iyo dhalinyarada magaalada Hargeysa.

Munaasibadan oo ka dhacdey Hotel Mango Garden ee magaalada Hargeysa ayaa waxaa ka soo qeyb galay qaar ka mid ah haldoonka iyo dhalinyarada degmooyinka kala duwan ee magaalada Hargeysa .

Dhalinyarada ayaa waxaa ay madashaasi su’aalo toos ah ku weydiiyeen mushrax Eng Cabdiqaadir Iiman m su,aalaas oo la xidhiidhey hankiisa Maayar-nimo .

Eng Cabdiqaadir Iiman ayaa midh midh uga jawaabey dhamaan su’aalihii ay dhalinyaradu weydiiyeen

Leave a Reply