Waxaan Fuliyay Codsigaaga!

0
384

Markii shaqaalihii Dayuuradu rakaabki mid kasta fadhiisyay kursi ku haboon, ayay u yeedhay gabadh daal ka muuqdo oo rakaabka ka mid ahayd shaqaalaha, waxayna ku tidhi “ Ninkan agtayda fadhiya waxaan necbahay midabkiisa iyo sida uu u lebistay, kursi kale fadhiisi oo iga kaci si aan safarkayga raaxo uga helo”. Hadalkii ayay haddana kor u qaaday iyadoo weliba aan dareenka ninka ag fadhiya tixgelin, xaqiraad awgeed.

Ninkii Shaqaalaha dayuuradda ahaa ayaa ku yidhi :” waa hagaag marwo”. Markii uu dayuurada kuraasideeda wada eegay waxa u helay kursi ka banaan qaybta qaaliga ah ee koowaad (VIP).

Ninka Shaqaalaha ayaa ku soo noqday gabadhii iyo ninkii is ag fadhiyay waxaana uu ku yidhi ninkii “ Mudane soo kac waxaan ku helay kursi qaybta koowaad ah (VIP) , si aad uga raaxaysto safarkaaga, gabadhuna ugu raaxaysato safarkeeda ”. Ninki ayaa markiiba kacay oo ku raaxaystay qaybta muhiimka ah.

Gabadha ayaa aad u cadhootay oo jeclayd in kurisgaasi uu iyada siiyo. Waxaana ay tidhi “maxaad aniga kaasi iisiin weyday”. Isaguna wuxu ugu jawaabay “ Waxaad igu tidhi ninkan iga ag kici, igumaad odhan, kursigan iga bedel”. Taasi waa abaalka kelmadaha xun, kuwaasi oo murugo reeba.

 

Leave a Reply