Mashruuc ku Saabsan Caawinta Dadka Danyarta ah oo ia Furmay Degmada Bali-Gubadle

0
498

Hargeysa (Dawan) — Hay’ada Taakulo ayaa Magaalada Baligubadle ee xarunta gobolka Hawd ka daah-furtey mashruuc lagu taageerayo 900, qoys oo ka mid ah bulshada Danyarta ee ku nool qaar ka mid ah deegaanada Gobolkaas.

Dadkan danyarta ayaa deeqaha siinayo waxa ka mid ah lacag, biyo iyo taangiyada biyaha lagu shubto, iyadoo dadkaasina ay yihiin kuwii ay saamaynta ku yeesheen abaaraha iyo xannuunka Covid 19, iyadoo mashraacaasina laga fulin doono degmada Bali-gubadle, Gumburaha, Sayla iyo degaanada Gumar, Masaajidka iyo Ina Cunaaye oo ka tirsan gobolka Hawd.

Agaasimaha hay’adda Taakulo Maxamuud Maxamed Ducaale iyo ilyaas Xasan Cismaan oo hay’addaas ka tirsan waxaanay sheegeen in mudada mashruucaasi socda ay uga faa’iidayn doonaan dadka danyarta ah ee ay samaynta ku yeesheen xannuunka Covid 19 iyo abaaruhu.

Ugu dambayn Saalax Muxumed Idiris xog-hayaha dawlada hoose ee degmada Bali-gubadle, maayarka degmada Bali-gubadle Cabdi Iimaan Jaamac iyo gudoomiyaha gobolka Hawd Axmed Cige-yare, kuwaas oo u mahadceliyay hay’addaha Taakulo iyo Plan International oo mashaariicdaas lagu caawinaayo dadka danyarta fulinaaya.

Leave a Reply