Hargeysa (Dawan) Qaar ka mida dadweynaha ku nool xaafada barakacayaasha ee Ayax-b-1 ee magaalada Hargeysa ayaa cabasho ka muujiyay adeegyada aasaaska nolosha u ah oo aan xaafadooda ka jirin.
Bulshaweynta xaafadani ku nool oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay adeegyada waxbarashada, caafimaadka, waddooyinka, biyaha iyo kuwa kale oo mihiim ahiba aanay ka jirin xafadaasi, waxaanay madaxda dawladda oo uu ugu horreeyo madaxweynuhu ay ka codsadeen haddii uu gaadho warkoodu in wax looga qabto adeegyada mihiimka u ah nolosha bulshada.
Dadkani waxaa ay sheegeen haddii uu qof ka dhinto xaafadooda in aanay jirin meel la mariyo maydka, iyaga oo intaas ku daray booyadaha biya u keena ay lacag aanay ku iibsan karin ka siiyaan taangiga biyaha ah ee shanta foosto qaada.
Sidoo kale waxaa ay ka xuseen in ubadkii ay dhaleen ay guryaha hoostooda waxbarasho la’aan u fadhiyaan kadib markii masaafada dheer ee dugsiyadii ay wax ka baran jireen ay ku fogaatay, waxaanay wasiirka wasaaradda waxbarashada ugu baaqeen in uu ka soo war doono xaaladooda waxbarasho.
Xaafadan oo ku taala goob aan saddex jiho wado ka soo galin, ahna buuraha ka sarreeya xaafada Ayaxa ama Magaalo Qalooc loo yaqaano, ayaa waxaa ay caan ku tahay xaafad Doolaal, waana dadkii danyarta ahaa ee degana xerada ciidanka ee Birjeex, qaar ka mida oo halkaasi la dejiyay, waxyaabaha kale ee xaafadani ka maqan ee curyaamiyay waxaa ka mida gabi ahaanba gaadiidka dadweynaha ee ay basasku ugu horeeyaan ma tagaan sababo la xidhiidha waddo la’aan.
Halkan kaga boggo nuxurka warbixinta dhiilada leh ee ay warbaahinta mariyeen dadweynaha ku nool xaafada Ayax-b-1 ee duleedka magaalada Hargeysa.
Hooyo Faysa Maxamed Cabdi oo ka mida dadweynaha xaafadaasi ku nool ayaa madaxda dawladda oo uu ugu horreeyo madaxweynuhu ka codsatay haddii uu gaadho warkoodu in wax looga qabto adeegyada mihiimka u ah nolosha bulshada waxaaney tidhi. “Lix Ramadaan ayaanu ku soonay halkan, xaafadayada magaalo Doolaal ayaa la yidhaaha, wax allaale iyo wax naloo qabtay ma jiraan, iyo wax nala siiyay midna, buulashi aanu galaynay waa kuwaas oo waa ay wada daloolaan, adeeg caafimaad ma haysano, ku waxbarasho ma haysano, ku biyood ma haysano, habeen hore qofba naga dhintay meel la mariyo ayaa la waayay oo meel kaliya ayaa afarta jiho waddo naga soo gasha, dadka qaar dabkaba ma shitaan, iskuul ay wax ka bartaan carruurtu Cabdi Iidaan ama Axmed Guray labadaasi uunba ugu dhaw, biyo ma haysano oo marka aanu cabaadno cabaadno ayay booyadu mar noo keentaa, nolosha dadkuna waxaa ay ku tiirsan tahay Jay la xaadho, kiina waaba la iibsan waayay.
Waxaa aanu dawladda iyo hay’addaha badaxa bannaanba ka codsanayna in iskuulo naloo dhiso, in madarasado naloo dhiso, in goobtii Hooyada iyo dhallaanka naloo dhiso, oo suuliyo naloo dhiso, in sidoo kale caawimo deg deg ah nalala soo gaadho, oo dadkaasi masaakiinta ah ee bakhtiyaya wax loo keeno, ubadkaygu maalin walba iyaga oo aan naf ku jirin ayay halkan yimaadaan, gabadhi haddii ay naga foolato Faluuja ayaanu geyna oo waliba rag waal waalina dhexda u fadhiistaan dumarka”
Hooyo Caasho Cabdi Ubaxle kana mida qoysaska danyarta ah ee degan xaafada Ayax-B ee duleedka koonfureed ee magaalada Hargeysa, ayaa sheegtay in xaafada dhan oo ka kooban 82 qoys ay leeyihiin laba Suuli oo kaliya, taas oo mararka qaar ay dhacdo in ragga oo Suuliga ku jira ay hor istaagaan. “Aniga marxuunka aan carruurta ulahaa saddex habeen ayuu sii mootan yahay, saddex sannadoodna goobtaasi waan ku hayay, wax goob caafimaada iyo cid noo timaada midna maanan arag, curyaankii ayaanu leenahay, kii waala ayaanu leenahay, goob waxbarasho ma lihin, goob caafimaad malihin, waddo malihin, suuliyo ma lihin, laba xaafadood oo kala jeexan ayaanu nahay oo suuli kali ah ayaa naga dhaxeeya, ragga oo Suuliga ku jira ayaanu is hortaagnaa, dumarka oo jira ayuu raggu is hortaagaa, waanu isla kadeedanahay oo waanu isla kashifanahay, marka dawladda iyo hay’addahaba waxaa aanu ka codsanayna in si deg degg ah wax naloola soo gaadho”
Hooyo Foosiya Cismaan Cali ayaa waxaa ay codsatay haddii warkoodu gaadho madaxweynaha iyo masuuliyiinta dawladda in duruufaha dhanka nolosha ee ku gadaaman wax looga qabto waxaanay tidhi. “Awood ciidan ayaa nalagu soo raray, oo taliye Doolaal ayaa na soo raray dibna noogumu soo noqon, ilaa maalintii nala soo raray ilaa maantana wax baahiyaha nolosha aasaasiga u ah oo aanu haysana ma jirto, waxaa aanu nahay dad muwaadiniin ah oo dalka u dhashay haddana aan ahayn.
Waxa aanu doonayna oo aanu dawladda ka codsanayna, oo aanu masuuliyiinta ka codsanaynaa in wax nalo qabto, ubadkayaga ma hayno awood dhaqaale oo aanu ku saarno basaska dadweynaha, ma haysano wax aanu ku geyno sida dadka wax haysta ay baabuurta u saartaan, waxa aanu deganahay go’anaha, booyadaha biyuhu nooma yimaadaan, sababto ah waddo ay noo soo maraan malihin, xaafad saddexda dhanba ay buuro iyo laago kaga go’an yihiin ayaanu deganahay, taagiga shanta foosto ah annaga toddobaatan kun ayaa nalaga qaada haddii aanu helaba, saddex cisho annaga oo biyo’la ayaanu cagahayaga ugu tagnaa oo ku nidhaana kaalay biyo noo shub.
Waxa aanu madaxweynaha Somaliland iyo hay’addaha kuwa dawliga ah iyo kuwa madaxa bannaanba aanu ka codsanayna haddii warkayagu gaadho in waddo uu noo sameeyo.
Maalintii halkan nala soo dejiyay waxa naloo sheegay in laba iyo konton guri naloo dhisayo weli haddana in cid kale xata loo dhisay aanan garanayn, in kaliya inta sharcigii naloo sameeyay oo la yidhi guryihiiba idinku xiga waxaanu ahayn 84 qoys, 52 imika ayaa la idiin dhisaya ayaa nalagu yidhi, weli haddana ma hayno oo toddoba sanno ayaanu naala, wax naloo dhisay iyo wax nalala hadal hayo midna ma garanayno, walaahi cid kale loo dhisyaana ma garan karno.
Wakaaladda biyaha ee Hargeysi hal booyad oo ay tidhaaho haloo dhaamiyo ayaaba nagu filan inta wax kale na soo gaadhayo.
Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo sayniska Somaliland waxaa aanu ka codsanayna in uu wax kaleba yaanu noo qabane laba fasal uun uu noo dhiso, inta kale cid uunba noo dhisiye, waxaanu nahay bulsho danyara oo aan ILLAAHEY mooyane cid kale u maqneyn.
Umushayadu xannaano ma hesho oo xaafada Faluuja ayaa xannaano noogu dhaw, iyada oo aanan meelba la gaadhin ayay guriga agtiisa ku umuleen oo wax aanu iyadii iyo ilmihii wax aanu ku kala qaadno aanu waynay, waxa aanu leenahay intii na maqlaysa ee naga naxaysa ee madaxweynuhu u horreeyo in nala soo gaadho, Xerada Ayaxa dushiisa ayaanu deganahay, Jayga oo aanu xaadhno ayay noloshayadu ku tiirsan tahay, haddii gaadiidka dhismuhu naga iibsadaan iyo haddii ay noo iman waayaanba, noloshu dadka qofba heer ayay u taagan tahay kuwa biyo cad ku afura waa bil Ramadaane, kii cudud lahaana suuqa ayuu u baxa ama kuuli ha doonto ama shaqo kale ha soo qabte, intii aan bixi karaynina guryaha hoostooda ayay ku bakhtiday, dadka qaar ayaa guryahoodii kahaajiray oo xaafado dul fadhiya,”
Hooyo Caasha Maxamed Maxamuud iyana waxaa ka mid ahaa hadaladeedii. “Xaafadayadan Ayax-B-1 ayaa la yidhaaha balse waxa ay caan ku tahay xaafad Doolaal, caawimooyinka dadka danyarta la siiyo annagu ma aragno, dawladda sharafta leh waxaa anau ka codsanayna in ay na soo eegaan, guryahan aanu ku jirno anaga ayaa gacantayada ku dhisanay, hay’adda qaxoontiga iyo barakacayaasha Qaranka Somaliland weli noomay iman meel aanu deganahayna ma taqaano, waxaanu doonayna in Suuliyo naloo dhiso, in waddo naloo dhiso, Soonka ALLE ayaa iska leh oo ILLAAHEY dartii ayaanu u soomanahay, wax allaale iyo wax naloo keena ma jiro, marka koobaad waxa aanu baahida ugu weyn u qabna waa waddo, caafimaad, waxbarasho, biyo iwm.
Qoysaska qaar ayaa danta iyo duruuftu gaadhsiin weyday goobaha waxbarashada, goobkasta oo adeegyada waxbarashada bixiya xata kuwa dawladdu waa lacag, marka xataa wax aanu ku gaadhno oo awood dhaqaale ah waanu waynay”
Cabdirisaaq Axmed Cabdi kana mida carruurta ku nool xaafada Ayax-b-1, ahna da’dii gacanta lagu haynlaha ayaa yidhi “Waxaa aanu wasaaradda waxbarashada ka codsanayna in ay iskuul noo dhisaan, aniga iyo inta aanu isku da’da nahay waxba ma barano oo buurahan uunbaanu kolba dhan u cararnaa”.