Maxaa Lagu Diida Xukunada Dilka?

0
425

Dalka Ingiriiska ayaa laga joojiyay xukunada  dilka ah sanadkii 1953.  Arintan ayaa ka danbaysay ka dib markii maxkamad dalkaasi ku taalla ay ku xukuntay deldelaad nin lagu magacaabo Jhon Evons iyadoo lagu eedeeyay inuu dilay xaaskiisii iyo Inan uu dhalay.

Inkasta oo ninkan uu aad uga dooday in aanu dilin qoyskiisa haddana ugu danbasytii maxakamadu waxay ku riday xukun deldelaad ah.  Laakiin sanadkii 1953 ayaa la ogaaday in ninka lagu magacaabo Jhon Keirsti uu ah oo dilay dhawr qof oo ay ka mid ahaayen dadka uu dilay xaaskii iyo gabadhii uu dhalay ninkii la deldelay ee Evons.

Waxaana cadaatay in deldelaadii lagu fuliyay ninkaasi ay ahayd mid khalad ah. Waxaana wakhtigaasi maamulayaasha Ingriisku soo saareen xukun maxkamadaha laga joojiyay inay dil ku ridaan denbiilayaasha gaadhay ciqaabtaasi.  Marka laga reebo dadka budhcad badeeda ah.

 

 

Leave a Reply