Si Fudud U Qabo Hawsha Aad Rabto!

0
416

Tusaalayaasha xikmadda ah ee qisaska laga dhigay waxa ka mid ah doodad faanka ah ee dhex martay dabaysha iyo cadceedda.  Dabaysha ayaa ku tidhi Qorraxda, “Anigu wiilka goobtaasi jooga ayaan xoogayga kaga saari kara Koodhka uu xidhn yahay. Waxaaana ya Qorraxda weydiisay inay iyadu sidaa samayn karto? Waxaana ay ku tidhi “ Bal same adigu horta”?

Dabaysha ayaa si xoogle oo meel kasta laga maqlayo u guuxday, waxaana ay dhinaca kasta kaga timi wiilkii, Wiilka ayaa isaguna isku xejiyay koodhkiisa si aanay dabayshu uga saaraan oo uga qaadin.  Marki ay ka furfuri weyday ayay ka tagtay.

Ka diban Qorraxdii ayaa tidhi “ Bal haddaba anigana waa markaygii”. Cadceed ayaa fallaadhaha ku gantay iyadoon wax qaylo iyo dhawaaq midna lahayn, dadkuna aanay dareemin.

Markaasi ayuu wiilku iskii isaga saaray Koodhka markii uu kulayl badan dareemay yadoon cidina ku khasbin. Waa sidaasi nolosha nidaam fudud ayaa hawsha aad rabto loo qabtaa iyadoo weliba qofka kuwa aad ka rabtana dantooda aad ka dhigayso sida tusaalaha cadceeda lagu metelay ee uu arkay inuu iska saaro Koodhka wiilku kulayl dartiis.

Leave a Reply