Faallo: Somaliland Nabad-bay la Jeceshahay Soomaaliya iyo Manqadaba

0
319

Qore : Cumar Maxamed Faarax

Hargeysa (Dawan) – Jamhuuriyadda Somaliland xiqdi iyo cadaawad uma qabto dalka Soomaaliya ee la dariska ah iyo shacbigeedaba, waxaana muddo dheer welwel iyo walbahaar ku hayey qaxa iyo baro-kaca ka jiray dalka Soomaaliya, kuwaas oo ay ugu wacan yihiin siyaasiyiintooda oo danahooda gaarka ah ka horreysiiya masaalixda guud ee dalkooda, taasina ay geyeysiisay inay muddo dheer safka hore kaga jiraan dalalka guul-daraystay ee caalamka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi oo shalay socdaal shaqo ku joogay magaallo xeebeeda Berbera, ayaa sheegay inuu si weyn uga xun yahay in facilka Madaxweynaha Soomaaliya uu sababo in magaalada Muqidisho lagu kala qaxo xiligan oo lagu jiro bisha barakaysan ee Ramadaan iyo marxalada adag ee COVID-19ka.

Madaxweyne Muuse Biixi wuxuu caddeeyey in Jamhuuriyadda Somaliland aanay naxli iyo xumaato u haynin Shacabka Soomaaliya oo ay jecel yihiin inay ka baxaan dhibta, waxaanu tilmaamay in cidda ay Somaliland is hayaan ay tahay tallo xumada siyaasiyiinta iyo Hoggaanka dawladda Muqdisho.

Waxa kaloo uu farriin u diray shacbiga Muqdisho uu tilmaamay in dhibaatada ay afartii sannadood ee u dambeeyey ay dareemeen ay Jamhuuriyadda Somaliland soddonkiisa sanno ee ugu dambeeyeyba u dulqaadanaysay colaada Farmaajo iyo kuwii ka horreeyeyba.

Madaxweyne Muuse Biixi wuxuu ifiimiyey inuu ka yax-yaxay ajendaha liita iyo talo-maroorsiga Madaxweyne Farmaajo oo gaadhay in lagu kala gurto Muqdisho, markii uu dhegaysan waayey daneeyeyaashii doorashooyinka oo uu goostay inuu kaligii ku amar ku-taagleeyo.

Madaxweynaha Somaliland waxa uu sheegay in ayaan-darrada ka jirta Villa Soomaaliya ay sababtay in Golaha Ammaanka iyo Beesha caalamku ay culays iyo cadaadis saareen Madaxweynaha Soomaaliya markii uu dhegaha ka furaystay shacbigiisii taasi oo nusqaan ku ah shacbigiisa iyo karaamadii dalkiisaba.

Mr. Farmaajo oo riyo maalmeed ku guurayey ayaa aakhirkii la soo baxay hab-dhaqan ku arooraya dugsigii Siyaad Barre ee uu ka soo aflaxay oo u ah higsi iyo marjac uu tusaaleyaasha nolasha ka soo qaato, hase ahaatee madax-taagiisii ma uu mahadin ee waxa uu ka dhaxlay in Xukuumaddiisu musalafto oo ay istaagto lacagtii Dawladaha shisheeye iyo Hay’adaha caalamiga ahi ugu qaadhaami jireen.

Waxa la gaadhay in caalamku ku baraarugo farqiga u dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya, oo ah in Somaliland iyadoo aan caalamku farogelin ay ka heshiiso wixii khilaaf ah ee ka aloosma dhexdeeda. Halka Soomaaliya quus laga istaagay inay dhexdooda xal ka gaadhaan ilaa Dawladaha waaweyni awaamiir adag dusha kaga keenaan.

Ugu dambayn, sida uu in badan fagaareyaasha ka xaqiijiyey Madaxweyne Muuse Biixi Jamhuuriyadda Somaliland wax colaad ah uma hayso shacbiga Soomaaliya, waxaanay la jeceshay inay nabadgelyo ku naaloodaan, hase ahaatee waxa Somaliland dooratay soddon sanno ka hor inay Qarannimadeeda u madax-bannaanaato oo ay Soomaaliya ahaadaan laba wadan oo daris iyo walaalo ah, taasi oo mustaqbalka faa’iido weyn u ah Soomaalida oo dhan, sida imikaba nabadgelyada ay dawladnimada ka jirta Somaliland ay u martigeliso cid kasta oo Soomaaliya u dhalatay oo nolol u soo raadsata Somaliland.

Leave a Reply