Hargeysa (Dawan) Wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Somaliland, ayaa toban kun oo geed ku wareejisay ururka geelayda Somaliland.
Dhirtan oo ah kuwa lagu naaxiyo xoolaha waxa wasaaradda kala wareegay xubno ka tirsan ururkaasi.
Xubnihiinku hadlay afka geelayda ayaa wasaaradda uga mahad celiyay, dhirtan ay ugu deeqeen ee waxtarka u leh xoolaha.