Noloshada Adag Kaama Joojisa Dadaalka

0
627

Marka ilmaha yari uu ku dhex koro qoyskooda dhexdiisa, waxay taasi siisaa dareen iyo fikir wanaagsan, waxaana ay halkaasi noqotaa meesha ay caruur badani ka bilaabeen curinta iyo wax soo saarka. Laakiin haddana dhinaca kale waxa jira caruur badan oo waayay koritaankii waalidnimo oo haddana dunida caan ka noqday. Ubadkaasi oo la koray qoysas aan ahayn waalidintooda.

Madaxweynihii 42aad ee Maraykanka Bill Clinton ayaa la sheegay inuu aabihii dhintay isagoo yar isla markaana ay hooyadiina ka safartay. Clinton ayaa la sheegay inay korisay ayaydii . Waxaana la sheegay in markii uu gaadhay 15 sano ay hooyadii soo noqotay iyadoo guursatay nin lagu magacaabi jiray Roger Clinton.

Waxaana la sheegay Clinton inuu ahaa magaca qoyska hooyadii uu dhaxday ee aanu ahayn magacii aabihii. Sidaa darteedna isagoo ku soo barbaaray noloshaasi aan waalidku shaqo ku lahayn haddana wuxu noqday nin caan ah oo gaadhay heer madaxweyne.

Leave a Reply