Xikmadaha

0
849
  • Waxa la wydiiyay Imaam Ahmed (Allah U Naxariitee) Qofka banii’aadamka ahi goorma ayu daal iyo shaqo ka nasanayaa ?  Waxaana uu ku jawaabay “ Marka uu lugta u horaysa Janada la galo ayuu ka nasanayaa “ Allah ha inagu arsaaqo janadiisa.
  • Nin dadkii wanaagsana ee hore ka mid ahaa ( Salafu Saalix) ayaa yidhi “ Haddii aad la kulanto, qudhaanjo godkeeda ku socota haku joogsan, adigoo dar Allah (sw) arinkaasi u samaynayaa”. Waxaana laga yabaa in Allah (sw) kuugu naxariisto sida aad iyadaba ugu naxariisatay.
  • “ Haddii aad soo marto Shimbir biyo cabaysa, iska jir inaad u dhowaato oo aad cabsi ku abuurto, adigoo arinkaasi Allah dartii u samaynaya, waxaana laga yabaa in maalinta Qiyaame Allah (sw) ku magan geliyo arinkaasi. “ Hana yarysan wanaag, ma garanaysid kan jano aad ku gelyasee.

Leave a Reply